WAR DEG DEG: Madaxweynaha Soomaaliya iyo wafdi uu hogaaminayo ayaa saaka markii u horeysay safar dhulka ah ku gaadhay magaalada Marka.

madaxweynaha somalia

Madaxweynaha Soomaaliya iyo wafdi uu hogaaminayo ayaa saaka markii u horeysay safar dhulka ah ku gaadhay magaalada Marka ee Gobolka Shabellaha Hoose, iyadoo ah booqashadii u horeysay oo dhulka ah oo Madaxweynuhu ku tago meel ka baxsan Caasimada Soomaaliya.

Ammaanka ayaa aad loo adkeeyay, iyadoo ciidamo fara badan lagu daadiyay wadada isku xidhta Muqdisho ilaa Marka, waxaana waabarigii hore saaka dadka ku nool magaalada Marka ku soo tooseen ciidamo fara badan oo jid walba taagan.

Kolonyada galbisay Madaxweynaha oo isugu jira kuwa ciidamada AMISOM iyo kuwa dowladda ayaa saakay aroortii ka ambabaxay magaalada Muqdisho, iyagoo sii maray wadada laamiga ah ee Muqdisho iyo Afgooye, kadibna u gudbay dhinaca Marka.

Wararka ayaa sheegaya in Madaxweynaha ka qeyb geli doono munaasabad lagu dhaqan gelinayo heshiis ay gaadheen labo beelood oo horay ugu dagaalamay deegaano ka tirsan Gobolka Shabellaha Hoose, waxaana magaalada Marka ku sugan wafdi ka socda Wasaarada Arrimaha gudaha oo dhowaan gaadhay.

Booqashadan ayaa ah tii u horeysay ee Madaxweynaha ku tago deegaanada Shabellaha Hoose, iyadoo horay safara gudaha dalka markii la doortay uu ku tagay magaalooyinka Baydhabo, Beledweyn iyo deegaanada Puntland.

Wixii warar ee ku soo kordha kala soco wararkeena dambe Insha Allah.

 

Salaanmedia/Mogdisho