Wararkii Ugu Dambeeyay weeraradii Ismiidaaminta ahaa ee Maanta ka dhacay Muqdisho. (Daawo Sawiradda)

Faah Faahino Dheeraad ah ayaa kasoo baxaya Weeraro Ismiidaamin ah oo Maanta Barqadii ka dhacay Barxada Iskaashatooyinka Gaadiidka oo ku dhagan Guriga Hooyooyinka ee Degmada Xamar Weyne.

Qaraxyada oo labo ahaa ayaa midka hore loo adeegsaday gaari waxyaabaha qarxa laga soo buuxiyay kaa oo ku qarxay Barxada Iskaashatada Gaadiidka waxaana Daqiiqado kadib markii ay goobta soo gaareen dad iyo ciidamo gurmad ah hadana ku qarxay nin waxyaabaha qarxa isku soo xiray.

inta la ogyahay waxaa Qaraxyadan Ismiidaaminta ah ku dhintay dad ka badan 15-qof oo isugu jira Dad Shacab ah iyo Ciidamo katirsan Dowlada Soomaaliya iyadoona dhaawacyadu yihiin kuwo intaas kabadan.

Gaadiidka Gurmadka Deg dega oo goobta gaaray ayaa halkaasi ka qaaday dad badan oo dhaawacyo qaba kuwaa oo qaarkood dhawaacyadooda ahaayeen kuwa halis ah oo xubno jirkooda ay go’go’een.

ilaa wali lama soo warin wax Qasaaro ah oo soo gaaray dad Masuuliyiin ah ama dad magac leh marka laga reebo in Qasaaraha dhimasho iyo dhaawac uu gaaray Dad Shacab u badan iyo Ciidamo katirsan Dowlada Soomaaliya,

Waxaan sidoo kale si rasmi ah loo ogeyn Bartilmaameedka Qaraxyadan ismiidaaminta ah ee Maanta ka dhacay agagaarka Guriga Hooyooyinka ee Degmada Xamar Weyne , waxa uuna Qaraxan Dhimashada iyo dhaawaca kasokow ka dhashay Qasaarooyin bur bur gaadiid iyo Maqaayada The Village oo kutaala Guriga Hooyooyinka.

Salaanmedia com
Muqdisho Somalia