Wasaaradda Arrimaha Gudaha Oo U Diiday Xisbiyadda Mucaaradka Banaan-bax Salmi Ah Oo Ay Dalbadeen

Sep 23, 2013 Hargeysa(SM) – Wasiirka Wasaaradda Arrimaha Gudaha breaSomaliland Cali Maxamed Warancade ayaa sheegaysa in aanay Xukuumad ahaan Ogolayn Banaanbaxaasi isla markaana uu ka hor imanayo shuruucda Dalka, sidaana wuxuu ku sheegay warqad qoraal ah oo uu u kala diray labada xisbi mucaarid ee UCID iyo WADANI.