Wasaaradda Duulista Hawadda Somaliland Ma Istaahisho Dhaleecayn Hambalyo Mooye?e

Wasaaradda Duulista Hawadda Somaliland Ma Istaahisho Dhaleecayn Hambalyo Mooye?e

September 15th, 2013 

“Daryeelka wixii ku nool .

Dad bay magantiisa tahay,

Dardaaran cad baa ka yaal,

Daymiyo garashay rabtaa,

Hog loo dayo bay rabtaa,

Runteeda qofkii duwaa,

Xaquu kaga dayro yahay”

Maansadi Dabo-huwan ee Abwaan Hadraawi

Waxaan maanta u holoday in aan wax yar ka iftiimiyo waxqabad wasaaradda duulista hawada ee uu gadhwadeenka ka yahay wasiir Maxamud Xaashi Cabdi, waa muwaadin ku sifoobay waxqabad laakiin waxaad arkeysaa dad badan oo wasiir aanay ka warqabin waxa uu qabtay, wax uu soo kordhiyay iyo markii uu la wareegay wasaarada halka ay maraysay iyo maanta halkay marayso , oo markiiba bilaabaya in la mucaarido iyadoo aan si qotodheer oo cilmiyaysan loo dersin howlaha wasarada.

Sideedaba marka wax aad qiimeynayso waxaa lagama maarmaan ah in aad la socoto waxaasi wixii ka horeeyay oo sax ah, ama aad aqoon dheerad ah u leedahay ama ay jiraan xogo dhab ah oo aad ka duuleyso si aad isaga ilaaliso been iyo mala awaal habowsan oo aad bulshada dhexdeeda ku faafiso . Tusaale ahaan marka aad rabto in aad qiimeyso wasiir ka madax ah wasaarad, waxaa asal ah in aad la socotay halka ay mareysay wasaaradani markii uqabsaday wasiirku.

Waxaa khasab ah in aad aqoon u leedahay in aad qiimayn karto is-bedelka udhexeeya maanta iyo maalintii uu wasiirku la wareegay wasaarada Laakiin waxaa jira dad aan indhahoodu qaban wanaaga oo isaga dhashay qalaaf sanaan iyo qalooc oo mar walbaa xumaanta uun jecel oo buun buuniya oo ay dhibayso dhabada waxqabadka iyo horumarku ,lama dafiri karo waxqabadka xukumada axmed siilaanyo oo runtii cadceeda ka cad gaar ahaan maqaalkayga waxan ku iftiminayaa waxqabadkii wasaarada duulista hawada soomaliland

Laga bilaabo maalintii xukuumadda Axmed Siilaanyo talada dalka la wareegtay waxay bilaabeen socdaalo ay ku galaa bixinayeen wadama door ah, waxayna xil weyn iska saartay sidii ay uhorumarin lahayd madaarada Somaliland, dawlada Kuwayt ayaa Somaliland ugu deeqday lacag lagu tala galay madarada Hargaysa iyo Berbera in dib-u-dhis iyo casriyayn loogu sameeyo .

Madaarka berbera waxa dhamaystiray dhismaha terminal cusub oo leh dhamaan adeegyadiisii oo laga hirgeliyey madaarka berbera isla madaarka berbera waxa lagu wareejiyay xayndaab adag waxa la dhisay wadada madaarka tagta ee ka weecata wadada berbera dhinaca bari ee wajahada madaarka berbera waxa lagu xidhay siliig dhereerkiisu dhan yahay 500m kaas oo wakhtigii hore ahaa meel iska banaan.

waxa kale oo lagu sameeyay silig dhan 300 mitir wejahada terminaalada dhinaca galbeedka taas oo hore fadaado u ahayd mashruucani waxa uu madaarka ka xakameeyay xoolihi iyo dadkii iska dhex mari jiray goor iyo alleyl dib-u-dhiska dhabada dayuuradaha ee madaarka berbera waxa ay suurto gelisay in ay markii ugu horeysay ay soo cago dhigtaan diyaaraha waaweyn ee mishiinadoodu dhulka udhow yihiin sida boeng 737,200 boeng 737.300 boeng 737.700 waxa intaa dheer iyada oo dhirgoyn xaaqid iyo moosid lagu sameeyay dhamaan hareehaha iyo agagaarka runway-ga oo dhan 4.800km taasoo looga gol-lahaa ka hortaga shilalka ku yimaada dayuuraha iyo kor qaadista amaanka garoonada ,

Madaarka Caasimada Hargaysa (Egal International Airport)

Madaarka Caasimada hargaysa waxaa uu xidhnaa mudo ku dhow sanad iyo badh oo laga waday dib-u-dhis balaadhan oo lagu hirgelinayo mashaarij dan oo kala ah haagajinta iyo adkaynta runwaygii hore iyo xayndaab adag oo lagu soo wareejiyay guud ahaanba madaarka waxa dhismayaal badan lagu kordhiyay madaarka caasimada oo ay ka mid yihiin dhisme lagu kordhiyay terminaalada vip iyo dhismayaal kale oo badan.

waxa kale oo la balaadhiyay dibno loogu dheereyay runwayga madaarka caasimada , sidoo kale qalabka amniga ee madaarrada dalka waxa hawl geliyay madaarada hargaysa iyo berbera mishiino casri ah oo lagu baadho shandahaha iyo rakaabka waxa terminaalada lagu wareejiyey kaabado shub ah iyo foostooyin sidoo kale waxa markii ugu horeysay madaarada lagu rakibay cctv security camera systema casri ah mishiinadan oo kor uqaaday sumcada kalsoonida iyo amaanka adeega madaaradeena waxa loo tababaray oo ku shaqeeya qalabkan casriga ah 56 dhalinyaro ah oo jaamiciyiin ah oo isugu jira wiilal iyo gabdho waxa lagu kordhiyay madaarrada mashiino laydh iyo qalabka dabdamiska waxa ka hirgalay laydh 24 saac ah iyo adeegga internetka oo la soo gaadhsiiyey madaarka caasimadda kuwaas oo hore ujirin taaso sahleysa in laga haqab -beelo adeegyada kala duwan ee macaamiisha dhoofaya ama soo degeyaa ay u baahan yihiin horumarinta lagu sameeyay madaarrada Hargaysa iyo berbera waxay suurto galiyeen in ay soo noqoto dayuuradii “ETHIOPIOAN AIRLINES” oo in badan maqneyd oo hore u joojisay duulimadyadeedii waxayna dib duulimaadkeedii Somaliland ay bilaabeen kadib markay ku qanceen heerka iyo habsami-u-socodka adeegyada madaarada dalkeena, laakiin mucaaradka uma qudhqudhasana horumarka ballaadhan.

waxqabadku waxaa uu runti wasiirka wasaarada duulista hwada somaliland maxamud xashi cabdi oo hirgeliyay waxqabadka aynu korkusoo xusnay waxaa u istaahila mahadnaq , ee ma istaahilo xaqxaqsho iyo dhaleecayn joogta ah oo salka ku haysta daano gaar ah ee aan sal iyo raadtona ku lahayd muwaadimo iyo dal jacayl waxan ku afmeerayaa wasiirka duulista hawada soomalilanad maxamud xaashi cabdi ma istaahilo dhaleecayn hanbalyo mooye.?

Maxamed Cabdi Caynab (Taygar)

Nadiir024@hotmail.com

UAE
 

TOP