Wasiir Cukuse: Waxqabad Iyo Dedaal Muuqda

cukuse

(SM:Hargaysa) Wasiirka Wasaaradda Warfaafinta, Wacyigalinta iyo dhaqanka Somaliland Md Cabdilaahi Maxamed Daahir (Cukuse), oo muddo kooban hayey xilka wasaaraddaasi ayaa maalinba maalinta ka dambeysa waxqabadkiisu kor u sii kacayaa isla-markaana muujinaya dedaal iyo karti dheeraad ah.

 

Cabdilaahi Maxamed Daahir, oo dhowr bilood xilka haya, ayaa wakhtigu u saamaxay in isaga oo Wasaaradda Masuul ka ah xadhiga laga jaro oo la furo idaacadda Qur’aanka kariimka ah oo noqotay bar bilowga waxqabadka uu doonayo inuu ka fuliyo Wasaaraddaasi.

 

 

Cabdilaahi Cukuse, oo dedaalkii uu ka soo bilaabay hirgalinta idaacadda shacabku u aayey ee Qur’aanka Kariimka ah, ayaa haddana ku xigsiiyey dhismaha Masaajid uu ka hirgalinayo gudaha Xarunta wasaaradda Warfaafinta, kaasi oo ay ku cibaadaysan doonaan shaqaalaha wasaaradda oo aan hore u lahayn Masjid, Masjidkaasi oo dhawaan uu dhagax dhigay ayaa hadda gacanta lagu hayaa dhismihiisa, kaasi oo wax lagu farxo oo qofkii caqli iyo garasho lihi uu ku amaanayo Wasiirka iyo masuuliyiinta kale ee Wasaaraddaasi.

 

 

Haddaba, miyaanay wax lala yaabo ahayn in dad aan xil kas ahayni ay mafaariishta fadhi ku dirirku ku kulmo ay la taagnaadaan ceebayn iyo dhaliil aan sal iyo raad lahayn oo si qarsoon loo mariyo Mareegaha Internet-ka iyo Wargeysyada qaarkood.

 

Anniga oo aan doonayn inaan ku talax tago ka hadalka fadhi ku dirirka yooyootanka mafaariishta la fadhiya, waxaan hadalkayga ku soo xidhayaa midho ku jiray Hees uu sameeyay Abwaan Cali Seenyo.

 

“Nin Beyrliyo Xaasidkii, Badhaadhaha Noo Kordhiyo Barwaaqadu dhibi jirtoow Xornimo Noo Buuxsantee Bislaataye’ Noo Hanee”.

 

 

La Soco Qaybe Kale Oo Xiise Leh

 

W/Q – Siciid Cabdi Xuseen