Wasiir Shugri Oo Soo Bandhigtay Hindise Lagu Badbaadin Karo Nabaad Guurka Deegaanka

Wasiirka deegaankaWasiirka wasaaradda Deegaanka iyo Horumarinta reer miyiga Marwo Shugri Xaaji Ismaaciil Baandare ayaa maanta shaaca ka qaaday in sida kaliya ee lagu badbaadin karo jarida dhirtu ay tahay joojinta isticmaalka dhuxusha .

Wasiirka wasaaradda Deegaanka iyo horumarinta reer miiga oo maanta u waramaysay warbaahinta qaar ka mida ayaa sheegtay in lagu hayo gumaad axmaqnimo ah dhirta qoyan ee dalka ,taasi oo dhibaato weyn ugaysanaysa deegaanka dalka isla markaana dhici karto in nabaadguur ba-ani uu saameeyo deegaanka dalka iyadoo bulshadeenu ku tiirsan tahay dhaqashada xoolaha nool .

Wasiirka Deegaanku waxay tilmaantay in sidii looga badbaadi lahaa deegaankeenu ay ku xidhan tahay joojinta dhuxusha ,iyadoo badalkeedana lugu badalaayo shooladaha kala duwan ee la shito ,iyadoo si gaar ah utilmaantay inay waqtigan la joogo ka kharash yar tahay dhuxusha ,waxaanay usoo jeedisay bulshada s/land in loo tudho deegaanka dalka iyo xoolaheena oo ah lafdhabarta dhaqaalaha wadanka ,oo ay bulshadeenu isticmaasho shooladha kala duwan .

Geesta kale waxay ganacsatada ugu baaqday inay keenaan dalka shoolado tayo leh iyo dubaaladahoodii si ay bulshadeena u nafacaan,waxaanay wasiirka deegaanku intaa ku dartay in dhawaan gobolka maroodijeex lagu qabtay dad ku howlanaa baabiinta deegaan iyadoo la horkeeni doono dhawaan hay-adaha sharciag ee dalka ka howlgala.

Salaanmedia/Hargeysa

 

 

TOP