Wasiir Waran-cadde Oo Ka Hadlay Awaamiir Lagu Soo Rogay Ceerigaabo

waran cadeHargaysa (SM): Wasiirka wasaaradda arrimaha gudaha Somaliland, muddane Cali Maxamed Warancade, ayaa sheegay in aan lagu isticmaali karin magaaladda Ceerigaabo ee xarunta gobolka Sanaag, lacag aan ahayn ta Somaliland.

Wasiir Warancade oo maanta warbaahinta kula hadlayay xafiiskiisa, ayaa tilmaamay in bandoodii laga qaaday magaaladda Ceerigaabo,bal se ay ka soconayso xilliyadda danbe ee habeenkii si aanay danbiilayaashu uga faa’iidaysan.waxaanu yidhi “Lacagta laga ogolayahay inay ka socoto gobolka Sanaag waa lacagta Somaliland, lacagtii qiinbaarta ee dhaqaalihii gobolkaa naa faysay sidaa loo mamnuucay ayay mamnuuc u u tahay, cid danbe oo ku shaqaysan kartaa ma jirto. Markaa in sidaa ay u ogaadaan ayaan jeclaystay, in aan u baahiyo”.

Cali Warancde oo hadalkiisa sii wata waxa uu yidhi “Waxa la yidhi wasiirku waxa uu yidhi mudadii ayaa la dheereeyay mudada aan ka hadlayay waxa ay ahayd in xawaaladleyaashu ay ka badalaan karaan baanka, laakiin habayaraatee lacag la cag garab soconaysaa oo la qaadan karaa ma jirto. Lacagta qudha ee la ogol yahay waa lacagta Somaliland, waxaanan qabaa marka lacagtu ka hawl gasho gobolka in dadka dhaqaalahoodu uu dib u soo kici doono”.

Wasiirka oo ka hadlaya bandooda xilliyadda danbe ee habeenkii ku soo rogeen magaaladda Ceerigaabo waxa uu yidhi “Waxaan doonayaa in halkan idiinka sheego in bandoodii aanu ka qaadnay magaaladda Ceerigaabo ay ka sii shaqaynayso saacaddaha danbee ee habeenkii si aanu dambiiluhu uga faa’iidaysan”.

Salaanmedia/Hargaysa