Wasiirka Arrimaha Dibada Somaliland Oo Safar Ugu Kicitimay Dalka Imaaraadka Carabta

 

(SM:Hargaysa) Wasiirka wasaaradda Arrimaha dibeda Somaliland Maxamed Biixi Yoonis ayaa maanta safar aan ujeedadiisa la ogayn ugu baxay dalka Imaaraatka Carabta, kaasoo noqonaya safarkiisii labaad ee uu Dalka dibediisa u baxo tan iyo intii la magacaabay.

Wasiir Maxamed Biixi Yoonis waxa uu maanta Duhurkii ka raacay Garoonka Caalamiga ah ee Cigaal International Air-port Duulimaadkii ugu horeeyay ee ay shirkadda Daallo ku samayso madaarka iyadoo soo fadhiisiisay Diyaaradii labaad ee ugu wayanayd oo ahayd 737-300, taasoo siday Rakaab gaadhayay 140 qof.

 

 

Maxamed Biixi Yoonis waxa la filayaa in uu dalka Imaaraadka kula kulmo Jaaliyadda Somaliland isla markaana uu kulamo la yeesho madax kala duwan, maadaama Dalka Imaaraatku yahay dal furfuran oo ay joogaan Dublamaasiyiin iyo masuuliyiin kala duwan.

 

 

Hore Xukuumadda Somaliland waxa ay xidhiidh ula lahayd Imaaraadka  iyo  Dalalka Imaaraatka qaarkood, kuwaas oo kulamo ay la yeesheen Mucaawinooyin kala duwan ku soo siiyay, waxaana la filayaa safarkani inuu la xidhiidho heshiisyadii hore u jiray.

 

Salaanmedia/Hargaysa

Xigasho:Waaheen

Â