Wasiirka Arrimaha Dibadda Oo La Wareegay Ha’yadda Qurbo-jooga Somaliland

HARGEYSA (Somaliland.Org)-Wasiirka wasaaradda Arrimaha dibadda iyo iskaashiga caalamiga ah Md. Maxamed Biixi Yoonis ayaa maanta si ku meel gaadh ah ula wareegay xilkii gudoomiyaha Hay’adda qurbo-joogga Somaliland.

Munaasabada xil wareejintan oo ka dhacday xarunta wakaalada qurba jooga ayaa wax goob joog ka ahaa wasiir ku xigeenka wasaarada arimaha debada Md. Mawliid Maxamuud Ibraahim iyo Agaasimaha fulinta ee wakaaladda qurbojoogga Maxamed cabdilaahi, agaasimaha xidhiidhka qurbojooga xasan Axmed Yuusuf, hawlwadeenada hay’adaasi iyo marti sharaf kale.

Hadal uu halkaa ka jeediyey wasiirka wasaaradda arimaha dibadu waxa uu cadeeyey in xafiiska qurbajoogu yahay mid qiimo weyn ugu fadhiya dalka iyo guud ahaan isku xidhka dadweynaha gudaha iyo dibadaba, qurbajooguna door weyn ku leeyihiin dhaqaalaha dalka.

Gudoomiyahii hore ee wakaalada qurbajoogga Md maxamuud C/raxmaan ayaa si rasmi ah xilkii xafiiskaasi ugu wareejiyey wasiirka arimaha dibada ayaa hadal uu halkaa ka jeediyay waxa uu kaga waramay waxyaabahii u qabsoomay mudadii uu xafiiska joogay iyo qorshayaasha xafiiska ee xiliyada mustaqbalka.

Salaanmedia/Hargeysa