Wasiirka Maaliyadu Wasiir Fahansan Sharciga Iyo Shaqada Wasaarada Maaliyada

cabdiraxmaan

tan iyo intii ay Somaliland la soo noqotay madaxbaanaanideeda Wasaarada Maaliyada Waxa soo maray ilaa dhawr iyo toban Wasiir.

Haddaba waxay isweydiintu tahay maxaa Wasiirka Maaliyada maanta joogaa kaga duwan yahay kuwii ka horeeyay?, waxaan maalmahanba arkayay iyadoo saxaafada qaarkeed ay qoreyeen maqaalo aanu gayin Wasiirka Maaliyadu haddaba waxaan la inkirayn inay qaran News ay Caadaysatay inay maqaalo been abuur ah ka qoraan Wasiirka Maaliyada Cabdicasiis Maxamed Samaale.

Haddaba waxaanay xasuusnayn intii ay Somaliland jirtay inaan marnaba Barlamanka la horgayn isagoo aanu sanadku dhamaan Miisaaniyada Qaranka, marka laga reebo sanadkii ina dhaafay waxa kale oo xasuus mudan in markii ugu horeysay ay Miisaaniyada ka muuqato mashaariic horumarineed oo lagu daray waxa kale oo in la tilmaamo mudan inuu Wasiirka Maaliyadu yahay Wasiirkii u horeeyay ee Miisaaniyada dawladaha Hoose ku dara Miiisaaniyada Qaranka iyo ta inaga soo gaadha deeqbixiyayaasha (Allaa Deeq Baxsha) waana wasiirkii u horeeyay ee adaroska miisaaniyada ku dara ilaa iyo kun iyo shan boqol (1500) oo aqoonyahan ah lagu daro shaqaalaha dawlada.

waxa kale oo uu ku daray Miisaaniyadii sanadka markii ugu horeysay darajooyinka Ciidamada Qaranka.

Haddaba Shabakada Qarannews waxay ilawsan tahay inuu Wasiir Samaale xilka hayay muddo laba sanadoo ku siman sidaa daraadeed marka ay leeyihiinh shaqaalaha Wasaarada Maaliyada waxa u badan beesha Wasiirka miyay ilowsan yihiin in dhamaan Wasiiradii ka horeeyay ee Maaliyada ay shaqaalahani joogeen Wasaarada.

Guntii iyo gabagabadii Wasiirka Wasaarada Maaliyada Mudane Cabdicasiis Maxamed Samaale wax qabadkiisa kuma soo koobi karno maqaal iyo barnaamijtoona, ee kuwa muraayada Madaw xidhan ee waliba Warbaahinta u furtay inay Shacabka Somaliland kala fogeeyaan kana xadaan madaxda qaranka Sirta Qaranka si ay cadawga Somaliland ugu soo bandhigaan waxaan leeyahay kuwaas ka daada dalka khalkhalka iyo tashuushka cunsurinimo Allana ha idin garansiiyo hana idin tuso wanaaga iyo wax qabadka Madaxdiina.

 

Wabilaahi Tawfiiq

Alla Mahad Leh

Cabdiraxmaan Daahir Maxamuud

Email:obsiiye07@gmail.com

Hargeysa Somaliland

 

Â