Wasiirka Wafaafinta Dawlada Federalka Somaliya Oo Dib Loogu Egmaday Maamulka Hawada Dalkii La isku odhan jiray Somaliya Heshiina Cusubna La Galay Hayada ICAO.

Wasiirka Warfaarinta,Boosaha iyo Isgaadhsiinta Md Cabdilaahi Ciil-Mooge Xirsi Oo Safar Ku Joogay magaalada Montreal ee dalka Canada Si uu uga Qayb Gali Shir Wayne Ay ka soo qayb galeen in ka badan boqol iyo sagaashan dal Oo Ku Midoobay Hayada ICAO Ayaa La sheegay in Ay Heshiis Hor lah gaadheen Wasiirka Iyo Madaxda Hayadu.

 

Heshiiskan Ayaa Dhigaana in Guud Ahaan lagu wareejiyo Mar labaad Gacantana Loo soo galiyo Maamulka Arimaha Duulimaadka Guud Ahaa Dalkii La isku odhan jiray Jamhuuriyada Somaliya.

Heshiiskan Oo Ay Goob joog Ka ahaayeen Madaxda Dawladaha ku midoobay Hayadan Ayaa la isla gartay in Lagu Wareejiyo Dawlada Federalka Somaliya.

Ciil mooge

Arintan Ayaa Siqiirinaysa Heshiiski lagu galay Turkiga ee Ahaa in Labada WAsaaradood HArgaysa ay degaan oo ay ka wada maamulaan hawada Somaliya. Sidoo kalena Kulankan Iyo dalalkan ku bahoobay ICAO Ee ka soo qayb galay Ayaa Kuu muujinaysa In Kaliya ay aqon san yihiin Dawlada Fedelka Somaliya.

Waxaan Haba yaraatee waxaan lagu casuumid Xukuumada Somaliland gaar ahaan Wasaarada Duulista iyo Hawda oo iyadu baryahanba ay dul hogonayeen Fadeexado Hadheeyey Hawl socodka Wasaaradaasi Gilgilayna Xukuumada Axmed Siilaanyo. Wasaaradan ayaaa la dhutinaysa Fadeexado ay kala kulantay Dib u dhisyadii Madaarada Berbera iyo Hargaysa.

ARintan Ayaa ka dhigaysa In Gabi ahaanba Wasaaradu Ay Ragaado Kacdoon Shacbi oo hor lehna Uu Dhaco.¨

Mar aanu la xidhiidhnay Labada Masuuul ee ugu sareeya wasaaradan si aanu arimahan wax uga waydiino ayaan aanay noo suura galin.

Salaanmedia/Mogdisho