Wasiirka Warfaafinta Somaliland Oo Ka Hadlay Shirkaddii Dalka Ka Baxday Ee Genel Energy Iyo Diyaaradda Ethiopia Airline

Sep 11,2013 Hargaysa(SM) -Wasiirka Wasaarada Warfaafinta dhaqanka iyo wacyigelinta Md. Cabdillaahi Maxamed Daahir (Cukuse) oo uu weheliyo Wasiirul dawlaha Wasaarada Maaliyada Md. Cisman C/laahi Saxardiid (Cadaani) ayaa shir jaraa’id oo ay maanta si wadajir ah ugu qabteen xarunta Wasaarada Warfafinta waxa ay caddeeyeen in aanay jirin wax nabadgalyo darro ah oo sababi kara in ay dalka ka baxaan shirkadaha maalgashiga iyo ganacsiga dalka ka wada.

Shirkaa jaraaa’id waxa Wasiirka Warfaafintu ku sheegay in maalmihii u dambeeyay mucaaradku yool ka dhiganayeen shirkadda sahanka shidaalka ka waday gobolada dalka Genel Energy iyo baaqashadii koobnayd ee diyaarada itoobiyaan Air-Line.

Md. Cabdilaahi Cukuse oo ka hadlayey diyaaradaa itoobiya waxa uu sheegay in uu hadda socdo wadahadal u dhexeeya labada wadan ee jaarka ah iyadoo wefti ka tirsan xukuumada Somaliland ay u joogaan dalka Itoobiya hawlo ay ka mid tahay arrintani, lana rajaynayo in is afgarad laga gaadho, isagoo wasiirku adkeeyey in arrinta shirkadda diyaaradaha ee baaqatay aanay ahayn arrin siyaasadeed ee ay tahay oo keliya arrin ganacsi.

Dhanka kalena Wasiirka wasaaradda warfaafinta oo ka hadlay arrimaha shirkadda sahaminta shidaalka ee bariga Somaliland waxa uu sheegay in uu xiligan magaalada London ka socdo shir balaadhan oo wasiirrada Arimaha Dibada iyo macdanta ee Somaliland la leeyihiin madaxda shirkadda shidaalka ee Genel Energy isla markaana aanay ka hor dhacayn natiijada wadahadaladaasi.

Md Cabdilaahi Maxamed Daahir Cukuse waxa uu buun-buuninta labadan arimood ay mucaaradku uga dan leeyihiin inay dalka ku tilmaamaan xasilooni darro aan ka jirin.

Salaanmedia/ Hargaysa Office