Wasiirka Waxbarashada Somaliland Oo Ku Sifowday Wasiirkii Ugu Cunsurisanaa Xukuumadihii Soo Maray Somaliland.

Sep 15, 2013 Hargeysa(SM) – Wasaarada Waxbarashada Somaliland ayaa ka mid ah wasaaradaha ugu balaadhan ee ka jira Somaliland. Wasaarada waxaa hoos yimaada boqolaal school oo ay ku jiraan kumanaan arday ah, Wasaarada waxaa kale oo hoos yimaada todoba kun oo shaqaale ah oo ay lix kun oo kamid ahi yihiin macalimiin sida ay wasiirka waxbarashada Marwo Samsam Cabdi Aadan afkeeda ka sheegtay. Wasaarada waxbarashada Somaliland waxay ka mid tahay wasraadaha hela dakhliga ugu badan hadii ay noqoto tan gudaha iyo caawimooyinka laga helo dibaddaba.

Wasiirka waxbarashadu waxay dhawaan sheegtay mar ay soo bandhigtay waxqabadkeeda mudadii ay joogtay inay dhistay 145 school, marwo samsam waxa kale oo ay sheegt inay wasaarada ugu timid sadex kun oo macalin iyaduna ay ku dartay 3000 oo macalin oo kale.

Wasiir Samsam waxay carabka ku dhufatay inay ka heshay Hay’adda UNESCO deeq waxbarasho oo malaayiin dollar ah, deeqdaas oo loogu talagalay in lagu dhiso 85 school oo isugu jira dugsiyada Hoose/dhexe, 12 school oo sare iyo 2 boodhin shcool ah, waxa kale oo ay marwo samsam sheegtay inay mudadii ay joogtay hirgelisay xarumo caruurta lagu quudiyo (Feeding Centre) oo gaadhaya ilaa 150 goobood. Sidoo kale waxay Marwo Samsam sheegtay inay u qaybisay gobolada iyo degmooyinka dalka 22 gaadhi oo loogu talagalay kormeerayaasha waxbarashada sida Gabiley, Hargeysa,Salaxley Berbera, Sheekh, Balidhiig. Caynaba, Oodweyne. Burco, Iyo Ceerigaabo,

Hadaba markii aan u kuurgalnay baadhitaana ku samaynay waxaa noo soo baxday oo biyo kama dhibcaan ah in waxqabadka wasaarada waxbarashadu ku kooban tahay kaliya meelo gaar ah oo gobolada galbeedka qoshaha wasaarada ay ka maqan yihiin.

Sida caadiga ah waxaan markasta aragnaa wasiirka waxbarashada oo dhagax dhigaysa ama xadhig ka jaraysa goobo waxbarasho oo cusub oo aan dhaafsanayn deegaano gaar ah.

Akhriste, shabakada Caceed News waxay idiin soo bandhigi doontaa xogo dhab oo daboolka ka qaadaya eexda waxbarasho ee wasiirka waxbarashadu u badheedhay ee ka jirta Somaliland. Waxaan idiin soo bandhigi doonaa in ka badan 35 tuulo oo ka tirsan gobolada galbeedka oo ay dhibaato ka hayso macalin la’aan iyo hoy la’aan oo geed hoostood ardayda wax looagu dhigto.

Salaanmedia/Hargaysa