Wasiirul dawlaha Maaliyadda Oo Jawaab Ka Bixiyay dhaliilo ka soo yeedhay mucaaridka dalka

CADAANI

Hargeysa (SM)-Wasiiru-dawlaha Wasaaradda Maaliyadda Somaliland Cismaan Cabdilaahi Saxardiid (caddaani), ayaa jawaab ka bixiyey Eedihii ay Mucaaradka Somaliland u soo jeediyeen Madaxweynaha Somaliland Axmed maxamed Maxamuud(Siilaanyo) iyo Hannaankiisa Maamul.

Wasiir Caddaani oo Maanta shir jaraa’id ku qabtay Xafiiskiisa Magaalada Hargeysa, ayaa sidoo kale si qoto dheer uga warbixiyey Safarkii dheeraa ee dhawaan Madaxweynaha iyo Waftigiisu ku soo mareen Gobollo ka mid ah dalka Somaliland oo uu ku tilmaamay inuu ahaa safar guul,Kana duwanaa Fasiraada Khaldan ee ay Mucaaridku ka bixiyen.

Wasiiru-dawluhu waxa tallaabo muhiim ah oo taariikhi ah ku tilmaamay dhagax-dhiggii uu madaxweynuhu ku sameeyey Waddada isku xidha Ceerigaabo iyo Burco, isagoo sheegay inay tahay Hawl uu Qarankani baahi badan u qabay .

Mudane Cismaan Cabdilaahi Saxardiid (Caddaani) ayaa ugu horrayn ka hadlay dhaliilaha mucaaradku xukuumadda uu ka tirsan ay u soo jeediyeen, waxana uu xusay isagoo sheegay in Qaarkood aanay ku Munaasib ahayn in Jawaab la siiyo maadaama hadalkoodu uu ka hor imanayo Maslaxada dalka iyo horumarka uu Higsanayo.

Dhinaca kale waxa uu wasiir caddaani ku dooday in xeerka horumarinta waddooyinka ee haatan horyaalla Golaha wakiillada Somaliland ay wasaaradda madaxtooyadu xaq u leedahay inay xeerkaas u gudbiso Golaha Wakiilada si ay Waajibaadkooda distooriga ah uga Gutaan waxaanu xusay in Xeerkani uu faa’iido balaadhan u leeyahay dalka iyo dadkaba isla markaana loo baahan yahay in Mudnaan Gaar ah lagu eego.

Mr Caddaani ayaa ugu dambayntii Sheegay in lacagtaha Cashuurta ah ee Xeerkan ku Jiraa marka ay Hirgasho ay ku dhici doonto khasnadda dowladda.

Somaliland.Org/Hargeysa