Waxaan Ooyi Lahaa Maalin, Laakiin Waxaan Ilmaynayey Lixdan Sanadood – Qalinkii: Aadan Axmed Cilmi “Dhoolayare”.

Waxaan Ooyi Lahaa Maalin, Laakiin Waxaan Ilmaynayey Lixdan Sanadood – Qalinkii: Aadan Axmed Cilmi “Dhoolayare”.

image

Waxaan qalinka u qaatay, mawjadahii siyaasadaysna ee todobaadkii hore ina gilgilay maxaa la odhan karaa maxay ahaayeen dufaanada ina ruxay xageebay ka yimaadeen.

Waxay ahaayeen laba arimood oo aad u culus oo aynaan qaadi Karin
oo kala ah shirkadii shidaalka ee Genel Energy iyo dayuuradii Ethiopian Airlines ee joojisay dulimadyadii Somaliland,oo ku beegantay xili ay dhoofi lahaayeen dad maati iyo caruur ah oo ka noqonayay fasaxi xagaaga oo ay kala kulmeen dhibaatooyin safar.

Hadaba maqaadiiraha dhacay ee sababay inay laba shirkadood oo caalami ahi ka baxaan dalka oo ay ku farxeen cadawgeenu iyo sida ay ugu hiiliyeen mucaaridku waa kalmaan.

Waxaan qaba marka ay arintan oo kale dhacdo maaha mid xukuumada lagu eedeeyo waxay la mid tahay qaranka oo debedda cadaw ka soo weeraray ,dabcan arimahan waxaa ka soo shaqeeyay dawlado shisheeya ah oo neceb inaynu dhinaca horumarka ugu talaabsano, haday tahay inaynu la soo baxno khayraadka ku duugan dalkeena iyo inay wadankeena yimaadaan dayuurado caalami ahi.

Taas waxaa u daliil ah markaynu ahayn wixii la odhan jiray Somaliya waxaynu ogayn ama maqli jiray dawlado carbeed ayaa diidan in shidaal laga qodo wadnkeena waxay ahaayeen siyaasado dahsoon oo ahaa dagaal qabow oo inagu socday. Maanta oo aynaan cagaba ku taagnayn ictiraafna haysan oo aynu ognahay cadawgeena.

Waa nasiib darroin mucaaradkeenu kala garan waayo waxay xukuumada ku mucaaradayaan iyo difaaca dalka, waa nasiib darro inay garan waayaan in qarankii la soo weeraray,oo dawlado shiisheeya ahi soo abaabuleen inay ku cabsi geliyeen shirkadaha maalgelinta ee wadanka jooga inaanu amaankoodu sugnayn.

Arintaasi miyaanay ahayn in qarankii debedda laga soo weerary, waxaynu ognahay in laga xun yahay nabadgelyada iyo amaanka aynu haysano ,sidaasi darteed aynu leenahy cadaw fara badan oo doonaya inay ina mijaxaabiyaan ama khakhal iyo sumacad xumo geliyaan amaanka aynu haysano.waxaynu dhamaanteen qiraynaa inaynu ka nabadgelyo wanaagsanahay dalal badan oo caalamka ah ,waxaynu xukuumada eedayn kara marka ficil amaan darro ah lagu hujuumo ajaanib maslaxdo ku leh dalka ama la weeraro wadanka gudihiisa oo la yidhaa xukuumadu waxba kamay qaban amniga. Waxaynu ognahay shirkadahaas lama weerarin dhibaato looma gaysan ,aan ahayn cabshooyin dad saluugsan habka shaqaalaynta oo ah cabasho caadi ah.

Waxaynu ognahay in wadamo badan oo ay joogaan shirkado shidaalka baadha lagu weeraro goobaha shaqada hadana ay joogaan. Hadaba mucaaradkeena miyaanay ceeb ku ahayn inay ku eedeeyaan xukuumada dibindaabooyin debedda laga soo melmaly

oo qarankeena wax lagu yeelayo ,waxaa jira in laga shaqeeyay si kastaba ha noqotee ,baayacaad ,hanjabaad, laaluush,si looga saaro dalka. Si kastaba ha noqotee shacabku waxay aad uga xumaadeen markay maqleen wararka noocaas ah iyaga oo rajo fiican qabay,

hadana waxaa la yidhaa Somaliland waxay uGu fiican tahay, markay uGu daran tahay.wax waliba waxay ku soo noqon doonaan caadi

laakiin mucaaradku ha kala gartaan wixii lagu mucaaradayo xukuumada iyo inay waajib ku tahay in meel looga soo wada jeesto xilliga qaranka ay soo waajahdo weeraro shiisheeye oo noocan oo kale ah.

Qalinkii: Aadan Axmed Cilmi “Dhoolayae”
connect.elmi@gmail.com