Waxay tidhi walaashay adna waad gabyeysey anna digaagbaa i cunaayey By XUSEEN XIRSI CAAMIR

 Bismillaahi raxmaani raxiim

MAQAAL

                           Assalaamu caleykum wa raxmatullaahi wa barakaatu

Akhristoow  kulan wanaagsan iyo mar kale hada ka hor waxaan idiin ballan qaaday in aan idiinsoo gudbiyo hadii rabi ogolaado taxane aan dib ugu milicsanayo maansooyinkii iyo gabayadii aan kaga                  qaybgalay dagaalkii dib u xoraynta Somaliland hadaba waxa inagu yimi hakad xagayga ah ka dib markii aan sddex maanso idiin soo gudbiyey runtiina  waxa jira gabayo iyo maansooyin aan ku haboonayn soo tebin manta sidaa darted sidan horeba idiinku sheegay xaalku waa kor ka xaadis manta hadaba waxaan idiin soo gudbinyaa gabay aan ka tiriyey maalintii ugu horreysey ee dhiig sokeeye ka dhacay dalka kaasoo ahaa kii uu ku billabmay dagaalkii foosha xumaa ee is daba socdey ee dalka soo maray markii aan maqlay dagaalkii ka dhacay magaanada burco afartii illaa lixdii bishii koobaad 1992 kii ayaan gabaygan sameeyey iyadoo guragayagii waxna dhinteen waxna dhaawcmeen ayaa la igula soo hadlay radio ama fooniye anoo dalka debedda ka jooga waxaana ilasoo hadlay goor casar ah wallaalkay cabdi xirsi caamir oo igu salaamay wallaal belaa dhacday reerkii rogmey  sided qofbaa dhaawac iyo dhimsho ah markaa dagaalka maan ogeyn isgaadhsiintuna sidan umay awood badnayn waxa  maskaxdaydii ku soo dhacday tolow ma gurigiibaa gubtey waayo shaqadaydaa ah DAB DEMIS  waxaan ku idhi wallaal maxaa dhacay waxa uu yidhi waxa islaayey H/J  IYO H/Y taaba maan fileynin

 

 

INTAA KA DIB IIGA WARAN SIDA DHAAWACA IYO DHIMASHADU KALA YIHIIN OO WARKII QAATAY

Ogaadey in dhaawicii magaalada laga daad gureeyey waxa kale oo aan ogaadey meesha la geeyey waa lixdii  bishii koobaad 1992 kii waxaan qaatay qalin iyo warqad waxaan la hadlay haadraawi waxaan is moodey inaan joogo goobtii sallaan carrabey ee haad qadiye tanaase ka xun aan anigu joogo  waxaan sameeyey tixdan soo socota oo ah gole ka fuul iyo firkanax waxaan isla galabtaaba kaga qayb galay barnaamij ka bixi jirey idaacadda BBC DA oo la odhan jirey waxay ila tahay waxa iga duubay weriyaha reer Somaliland ee rug cadaaga ah waa yoonis cali nuur runtii waa mawqif aad u xumaa waana bellaaydii belaayooyikii dalka ka dhacay oo dhan u aabaha ahayd waxa uu ahaa dagaalkaasu furihii dagaalladii sokeeye ee dalka ka socdey mudada aadka u dheer  ragii hogaaminayey  qaar badan oo ka mid ah ayaa manta haysta mansabtada ugu sar sareeya ee dalkan qaarkoodna waxy ku nool yihiin dalka gudihiisa iyo debeddaba iyadoo aan weli cidi juuq u odhan bal waxaabay kaheleen  maal iyo magac labadaba hadaba akhristoow wallaal taariikhda waa la xusaa xumaanse lama geliyo

 malaa waxa uu qodobkanu ku wacnaa in keligii aynu ka dhigno dhawr maqaal oo ka madax banana gabayga laakiin wallaal akhristoow haka daalin waayo waxaad ka heleysaa dhanka  gabayga oo kuu dhadhama

 

Hadaba kol hadii aynu mawaduuca gudo galay aynu inyar dib ugu noqonno dhaawacii maalmahaas taariikhda ku madaw dadka shicibka ah gaadhey xaguu yaaley ? waxa dhaawacyadii lakala geeyey laba meelood oo kala ah riiga kaba dheere iyo meesha dadku u yaqaanaan sii bakhti oo lagu sii nasiyey intii la geynayey meelo dhakhtarro ah hadaba hooyaday rabi ha u naxariistee waxa ay dhaqan jirtey oo ay haysey digaag aad u badan markii la kala qaxay waxay kaxaysatay digaageedii dadkii dhaawaca ahaana waa la qaaday iyodoo la hoos jiif jiifo sidaan warka ku helay dhirta qudhacda ah eek u taala kaba dheere ayay idaacadda BBD du kusoo deysey  barnaamijkeedii galabnimo ee 5>30 kii gabaygan dadkiibaa ku wada yaacay oo dhegta u raariciyey waxa la illaawey illaalintii dhaawaca oo laga jeestey walaashay aamini waxay tidhi  walaalo maalintaa dadkiina gabaygaagiibuu ku yaacay anigana digaagiibaa I cunay oo hilibkaygii dhiiga lahaa aan ka ceshan kari waayey waa dhacdo aad u naxdinle oo xanuun badan   hadaba waakan gabaygii ee akhris wanaagsan wallaal akhristoow

 

Waxbaa dhacaye haadraawiyoow weedhan gabay hoo bal

siduuweyneheen laayehee werisey diinteenu

ama loo waxyoodee la faray waafi nebigeena

ama uu jibriil ugu warramay waa horoo tegey

ama aayaduu wada qireen wadar ahaantoodba

rabi laba waduu soo dejeynu  wada arkaynaaye dhe

wanaag iyo xumaan baa jiriyo waafaq iyo gale dhe

 

hadaan noloshu waa waa beryee cidi ku waaraynin

aakhiro kun wwadoo janniyo welba lagu sheegye dhe

waaqici dharaartay dhacdee waadix la arkaayo

wesenka iyo dharaartay kulmaan wadaca miisaanku

maantay wallaalkaa rumiyo waalid ku ogyiin

maantaan hadh loo weecdo iyo cidina waab haysan

ee aanay wax kuu qaban karayn warasadaadii

waxa hoogey duul uu ibleys waaligood yahay dhe

 

wadankeenna soomaaliyeed waw werwerayaa dhe

way  iyo  qabiilbaa  jiriyo weerar  iyo dhiig dheh

waagii guduutaba belaa laga waraabshaa dheh

waxyaabii fircoon ku haligmaa weheshanaysaan dhe

isla weynidii reer samuud kama wakootaan dheh

witirka iyo sunnii laga tegyoo faralki weydowye

dhammaan waajibaad kii xumaa uga wareegteen dhe

halkii aan wanaag ii kodhiyo wadajir eegaayey

wax layidhi wallaalii burcaa wiiqay nabadii dheh

warkan  manta yimi uumiyaa eedh xun ku ahaaye

wahmay oo hurdada diiday oo waaga tiigsadaydheh

 

in shisheeye igu wiirsadaan wiilal bay baday dheh

wataa dumarkii weerka cad xidhnaa dibu warraaqeen dhe

shicibkii wakanayey hadana adhax wareemeen dhe

wadnii dhaawacnaabay cakuye waran ka taagteendhe

wadaamii ku jare caalashii weydda loo horay dhe

raggii cadawga iga waabin laa weerku ku cashee  dhe

wataa waaxyeheenii badhkood cunay waraabuu dhe

waanadii sallaan baa toloow dhego u weydeendhe

wacdigii suldaan tima cadaan cidi is weydiin dhe

iyagaa bellaayada watoo weel ka  dhaansada e

dhammaan weriye  yaashii qarbigu dire waraaqii dhe

 

 

tolkayoow hal iga waano gala waaxidna hortiiya

anigoo wanaagii rabiyo wadajikii  oosha

waayeel gaboobiyo intaan ubad wadeecoobin

intaan wiiqyadiinu isku jabin talana loo waayin

waxyeellada intaa ku hakiyoo weerarkana jooja

toloow waaxid kiina u noqdoo dibu wallaalooba

 

 XUSEEN XIRSI CAAMIR  EMAIL inacaamir1960@hotmail.com

Â