Weerarkii lagu qaaday Westgate Mall oo laga abaabulay Koonfurta Somaliya (akhri Magacyada Xubnaha abaabulay)

newslogo2

Wargeyska The Daily Nation ee kasoo baxa dalka Kenya soona xiginaya Sirdoonka Dalka Kenya ayaa sheegay in Weerarkii dhawaan lagu qaaday Xarunta Ganacsisa Westgate Mall laga soo abaabulay Koonfurta Soomaaliya.

Wargeyska oo soo xiginaya Sirdoonka Kenya ayaa ku waramay in 22-kii bishii March ay Sheekh Muktar Sheikh Robow iyo Xasan Dahir Aweys oo labaduba kamid ahaa Saraakiisha sar sare ee Shabaab ee socdaalo ku kala bixiyeen Deegaano iyo Degmooyin kuyala Gobolada Baay iyo Gedo.

Goobaha ay tageen Sheekh Xasan Dahir iyo Muqtaar Roobow ayuu Wargeysku xusay in ay kula kulmeen hogaamiyal kale oo katirsan Al-Shabaab halkaasna ay kaga xaajoodeen sidii loo dajin lahaa qorshayaal lagu weerarayo Gudaha Dalka Kenya gaar ahaan Magaalooyinka Nairobi ,Mandhera,Wajir,Garisa, iyo Mombasa.

Wargeyska The Daily Nation oo xiganaya sirdoonka Dalka Kenya ayaa dusha kaga tuuray abaabulka Weerarkii dhawaan ka dhacay Xarunta Westgate Mall ee Magaalada Nairobi Hogamiyaasha Sheekh Muqtar Roobow iyo Sheekh Xasan Daahir Aweys oo hada gacanta ugu jira Dowlada Soomaaliya.

Wargeyska ayaa sidoo kale qoraalkiisa kusoo bandhigay in uu dhacay horaantii sanadkan Kulan Xasaasi ahaa oo dhax maray Amiirka Al-Shabaab Sheekh Muqtaar Abuu Zubeyr iyo xubno sar sare oo Shabaab katirsan islana garteen istaratiijiyadii ugu dambeysay ee gudaha Kenya looga geesan laha Weeraro culus.

Warbixinta uu Wargeyska qoray waxaa kale ku xusnaa in Ninka lagu Magacaabo Sheikh Ahmed Iman Ali oo Shabaab ugu Magacaaban Amiirka Mujaahidiinta Kenya uu kamid ahaa ragii dajiyay Qorshihii lagu weeraray Xarunta Westgate Mall 

Saraakisha kale wargeyska uu xusay in ay wax ka abaabuleen Weerarkii Westgate Mall waxa kamid ah Maalim Abass Guyo, iyo Jan Mohamed Khan oo shabab dhexdooda looga yaqaano Abu Musab Al Mombasa.

Salaanmedia/Mogdisho