Wershadaynta dalka iyo soo saaridda shidaalku waa wax qabadka Xukuumadda

Run iyo Ilkaba waa la cadeeyaaye, cadceeddu wax sacabadda lagu qariyo ka weyn oo muwaadin iyo maamulba waxii wanaagga ee qabsoomay qiraalkeedda iyo qeexideedda qalinkaa sheegaaya ee sheekadeennu yaanay noqon tii ninkii raacigga ahaa ee Cumar Beenaale oo been been iyo bahal aan jirin ummadda ku dagaal gelin jirey ama ku dheggo barjayn jirey, dabadeed maalintii danbe bahal caadiyii xoolahii ka cunay, dadkiina u soo bixi waayey qayladiisii, iyagoo leh waa beentiisii iyo lugooyadiisii.

Hadaba waxaan ka baqayaa marka Xukumadda Axmed Siilaanyo meesha ka tagto ee ayaxii soo noqdo in raga beenta ku qalinaaya la yiraahdo waa waxooddii oo ummaddu halkaasi ku dhacant. Sharaf haddii la waayo nafna hala waayo. Qofka aadamahaa hugiisu waa sharaf, sharafna haddii uu waayo qiimo iyo dadnimo uu leeyahay ma jirto oo kale.

Xukumadda Somaliland ayaa si weyn oo masuulnimo iyo wadaniyadi ku dheehantahay isha ugu haysa tayeynta iyo siddii shacabka looga samatabixin lahaa shaqo la,aanta iyo dayaca dhinacyadda adeegyadda kala duwan ee muwaadinku ka hello dalkiisa hooyo, isla markaasina waxay Xukumaddu ku hawlantahay sidda ugu haboon ee dalku ula soo bixilahaa Qaniyadda ilahay ku manaystey ee uurkiisa jiifta oo haddii dahaadhka lagga feydo dhiisha fakhrigga aan ku soo xidhayno meel cirka inyar u jirta, isla markaasina ummadda shaqo la,aanta iyo baahidda isha isu saaratay ay si weyn u kala mastuuran doonaan, taasi oo haddii si weyn oo wadda shaqayn iyo ixtiraam ku dheehanyahay gacmaha laysula qabto Xukumad iyo shacaba wadda Wakiil aad u noqon doontaan beri Afrikaanka iyo shisheeyaha dalkeenna ka xoogsan doonna, marka hanta la weedhaafinayaa si fiican u cagaarto ee nimcaddu soo burqato.

Xukumadda Somaliland ayaa keentay shirkaddo caalamiya oo dibadda soo dhigga nimcadda iyo naruuradda ku kaydsan dhulkeenna hooyo oo isugu jirta qaniyadda kala duwan ee ilahay Ummaddiisa iyo qaaradahiisa u qaybiyey, kuwaasi oo isugu dhafan Shidaal noocyo kala duwan, Dahab, Rinji, Nuurad iyo nimcooyin aan la soo koobi Karin oo ilahay rasamaal ugga dhigay shacab weynaha xalaashaa ee reer Somaliland guud ahaan meel kastay joogaan, taasi oo aan kala sheegasho iyo jaal gooni aan lahayn ee ceelkii la dalooliyaba reer Somaliland wadda leeyahiin oo wadaag iyo walaaltinimo weyn lagu qaybinaayo wax soo saakra iyo shaqo abuuridda maanta sidda ubaxa u dilaacday ee yididiiladda weyni ka muuqato.

Hadaba, waxay Xukumaddu daahfurtay wakhtigga ugu haboon ee shacabkani rayska iyo nimcadda cagaha la geli doonno oo ku siman sanadka 2014 oo si habsamiya biraha dhaadheer lagu aroorin doonno dhulka hoostiisa, si aan u soo saaro nimcadda hoosta jiifta ee wadamadda Carbeed caynkaasi u dhistay ama u cadaysay, horta ilaahay waxaan ka baryayaa inuu nimco weliba nusqaan leh khayrkeedda ina siiyo barwaaqadaasi sharkeedanna inagga leexiyo aamin. Wadamadda carabta laba jiil oo isku xigga ayaa midna gaajo u ledeen, qaarna dhereg iyo kibir u ledeen. Hadaba intaasi uun kuma eka hayaanka iyo horumarka Xukumaddu ku hawlantahay ee waxaa dalka lagu waddaa olole culus oo wershedeyn iyo wax qabad balaadhan oo si weyn wax uga tarta shaqalo la,aanta iyo kaalinta dhaqan dhaqaale ee maanta dalku ku suganyahay, taasi oo si weyn u kaliiftey in Xukumadda Somaliland wakhti balaadhan ku bixiso hadafkan iyo himiladda hufan ee dalka iyo dadka lagu horumarinaayo.

Dhinaca kale, Xukumadda oo kaashanaysa muwaadiniinta awoodda u leh dhaqaale ahaan hirgelinta wershadaha kala duwan ee wax soo saar ayaa ku dheerigelisey dadkeedda Wershaddo abuura shaqo iyo shaqaale balaadhan oo dalka iyo dadka tayadiisa nololeed kor u qaadda si wax ku oola, isla markaasina wax weyn ka tarta heerka dhaqan dhaqaale ee Qaran ama bulsho oo aan kala maarmin ama sidda dhigta iyo Udubka mar walaba isugu tiirsan ama dhisan. Waxaa amaan iyo bogaadin weyn iska leh muwaadiniinta reer Somaliland ee sidda hufan dalkoodda ugu horseeday wershadeynta iyo shaqo abuuridda oo door lama ilaawaanna ku leh horumarka iyo daryeelka bulshadda reer Somaliland, isla markaasina ah cashuur bixiyayaal xaq iyo xuquuq weyn ku leh dalka iyo dadka labadaba, maadaama ay dalka wax ku soo kordhiyaan oo tiirarka dalku ku taaganyahay loo aqoonsaday.

Aan dusha amaan iyo qaderin kagga tuuro iyo weliba hanbalyo iyo bogaadin wershedaha wax soo saar ee ilaa iminka dalka sidda habsamiddaa uga shaqeeya ee Kookakoola, Saabuunta, Isbuunyadda, Biyaha, Weelka, Marmarka iyo Masaabiirta iyo weliba wershadaha yar yar ee macmacaanka iyo nac naca soo saara oo qiimahoodda iyo kabidoodda bulsheed mahiim aad u tahay. Waxaa mahad iyo soo dhoweyn weyn mudan oo ah wax aad loogu faanno muwaadinka reer Somaliland ee doonaaya inuu horgeliyo wershadda Kaluunka oo runtii baahiweyn oo jirta dabooli doonta mustaqbalka waxaanna loogga baahanyahay shacabka reer Somaliland inuu ku dhiiraddo dhisidda dalkoodda iyo dadkoodda oo 80% ku xidhan muwaadinka reer Somaliland, halka 20% ka hadhayna Xukumaddu ay leedahay oo ah maamul iyo maarayn mihiima oo wax weyn ka tari karta horusocodka iyo qaabaynta dalkan iyo dadkan oo isku duubni, wadda shaqayn, midnimo iyo ixtiraam weyn ku gaadhi kara halka hayaanka lagu yahay ee guusha iyo galladda eebe ku negidahay.

Waxaa loogga baahanyahay muwaadinka reer Somaliland in horukaca iyo dal dhisnimaddu ka timaaddo muwaadinka si xaqdhowrkaasi u noqdo mid lagu kalsoonyahay oo gacmaha qaban karta jiritaanka Qaran iyo horumarkiisa oo ah mid shacabi oo balaadhan. Wershedeynta dalka iyo soo saaridda shiidaalku waa nimco weyn oo afka soo kala qaaday, isla markaasina loo baahanyahay in lagu garab gallo Xukumadda, si tayadda iyo tamarta shacabka toos kor loogu qaaddo oo horumarku noqdo mid isbedel weyni ku yimaaddo maalinba maalinta ka tanbeysa, waa in shaqsigga iyo masuulka lagu qiimaayaa waxa uu qabtay, dadaalkiisa iyo heerkiisa waxqabd oo mahiimad weyn u leh dalka iyo dadka .

Shacabka reer Somaliland haw guntadaan siddii loogga midho dhalin lahaa himilooyinka aan hayaanka ku nahay iyo gaadhidoodda iyo siddii aan isagga ilaalin lahayn ee indho gaara ugu fiirin lahayn kuwa cayda, dagaalka, xiqdigga iyo xumaanta la kuududda ama u kambadhuudhsadey ceebaynta iyo suuldaarooyinka Xukumadda lagu hayo oo kuwa samaha ku duryaa daawo ka dhigteen habeen iyo maalin, isla markaasina qaylo beenaad iyo qas cilmi iyo caqli aan ku salaysanyn lagu dureeyo, oo loola danleeyahay oo keliyaata wiiqitaanka habsami u socodka hawlaha Qaranka Jamhuuriyadda Somaliland. Ummaddu hadal wey dhigtay oo waxay u dareertay waxqabad iyo horumar balaadhan oo shacabku u aayo, isla markaasina inagu dhinac furi kara wadamadda Afrika ee manta horumarka weyn ka muuqanaayo.

Cabdilaahi Cali Xassan John
Liverpool/ UK