Xadhiga Aqoon Yahan Jiir Xukumadu Kula Kacday Ma Xaqba? By Salaad Maxamed Abokor

Jaamac Cilmi Jiir oo ah, nin dhalin yara ah oo alaba ku caan aha qoralada arimaha bulshada iyo dal dalooda
xukumada inuu wax ka qoro, saxafaduna ay utaqanay Aqoon yahan jiir, ayaa dhawaan xukumadu kula kacday
xadhiga iyo ganaax xaqdara ah, iyadoon wax maxkamada lamarin, eedaymaha lasoo jediyayna ay ahayd
waxad dhaliishay xukumada silaanyo, Aqoon yahankan oo weligiiba caan ku aha inu wax ka qoro arimaha bulshada
ilaa xukumadi riyaale ayuu tusi jiray kolba wixi dal daloolo ah ee wax ka qabadka u bahan, welina ma ay kula kicin
xukumadi riyaale wax xadhig ah, halka waxa kaga muuqanaysa in ay ka dul qaad badnayd xukumadi hore tan.

Aqoon yahan ku wuxu dhaliilo usoo jeediyey wasiiro ka mida xukumada oo musuq maasuq iyo awood ku takri fal sameyey
sida wasiirka madaxtooyada xirsi iyo wasiirka macdanta IWM ka dibna qoralada uu qoray aya wax u adkeysan weyday xukumada
mana aha qofkii uhoreyey ee lagu xidho, dhaliilo uu ugeystay xukumada, Boqor buurmadaw aya hore loo xidhay ka dib
markuu sheegay in madaxweynuhu dawooyin qaato oo uu buko, Aqoon yahanku mar qudha hadal kaas u dhigma mu odhan
wuxu ka hadlay oo qudha dhaliilo macquul ah ayuu usoo jediyey hadana waxa lagu xukumay xadhig aan caadi ahayn! 4 sano
iyo weliba lacag ganaax ah, wa xukumad leh car juuq dhaha, waxasu waa wixi aynu ka dagalanay ee dawladii afweyne ku kici jirtay waxan ugu danbayntii ugu baqayaa haydaha u dooda Xuquuqal Insaanka iyo kuwa Xoriyatul Qawlka, inay ka
hawl galaan sidi loo sidayn laha Qoraga Jaamac cilm Jiir, ee sida xaqdarada ah ugu xidhan jeelka iyadoo toos jeelka lo geyey bila maxkamad.

Salaad Maxamed Abokor
gutaale123@hotmail.com