Xildhibaa Dogox Oo Sharci Daro Ku Tilmaamay Madasha Wada Tashiga, Sheegayna In Garabkii Ku Biiray Xisbiga KULMIYE Ayaanay Xaqsoor Metelin.

waxy ahaayeen dad suuqa laga soo ururiyay dadkii ku biiray kulmiye

Xildhibaan Saleebaan Daahir Dogox oo ka mid ah Xildhibaanada Golaha Deegaanka Magaalada Hargeysa, ahna Guddoomiyaha Arimaha Bulshada Dawladda hoose Hargeysa, isla markaana ka soo baxay Ururkii Xaqsoor ayaa sheegay in Ururka Xaqsoor oo dhami aanay ku biirin Ururka talada dalka haya ee KULMIYE, , waxaanu sheegay in dadkii ku biiray Ururka Xaqsoor ee aanay ku jirin Golaha Dhexe iyo Golaha fulinta ee Ururka Xaqsoor, balse waxa uu sheegay inay dadkaasi ahayn dad suuqa laga soo ururiyey oo Magaca Ururka sheegtay.
Xildhibaan Saleebaan Daahir Dogox isaga oo Shalay u waramaayey qaar ka mid ah Warbaahinta ayaa sidoo kale sharci daro ku tilmaamay Madasha wada tashiga, waxaanu sheegay in aanu dalkani cid carqala gelisa aanu u baahanayn, waxaanu ugu horeyn hadalkiisi ku bilaabay “Waxa la yidhi Xaqsoor ayaa ku biirtay Xisbiga KULMIYE, dad suuqa laga soo ururiyey ayaa lagu tilmaamay inay yihiin Xaqsoor, isla markaana waxa la yidhi waxa waxa ay ahayeen Xaqsoor waxayna ku biireen KULMIYE, haddii laga tali waayey waxa ay ahayd in la yidhaahdo qaar ka mid ah Taageeyaashi Xaqsoor ayaa KULMIYE ku biiray, waxa ayaan daro ah in dad waaweyn oo Madax ah oo ka soo jeeda Baligubadle ama ka soo jeeda meel kale ay halkaas ka lahayeen Xaqsoor ayaa ku soo biirtay KULMIYE, aad iyo aad ayaan uga xumahay luuqada sidaas oo kale ah,haddii ay wada hadlo jiraan iyo haddii kaleba iyo haddii ay ku soo biirayaan KULMIYE, dad ayey wejiyadooda Xaqsoor ku qoran yahay, oo madax u ahaa, hogaaminaayey ilaa haddana hogaaminaya, qaar Xukuumadda hadda ka mid ahaadan ama qaar dabada ha ka joogaane, waana la garanayaa shaqsiyaadkii hogaaminayey, aniga laftayda ayaa ka mid ah Xildhibaanadii ka soo baxay Ururka Xaqsoor iyo walibana qaar kale oo iyana ka soo baxay, balse maaha in inta afar qof suuqa laga soo ururiyo in la yidhaahdo Xaqsoor ayaa KULMIYE ku soo biiray, aad iyo aad ayey waxa ugu dhimaysa sharafta Xisbiga, haddii ay tahay Madaxda meesha ka hadashay laftigooda, dadkii meesha fadhiyey ee Xaqsoor sheeganaayey kamay muuqan guddidiyadii kala duwana ee Ururka sida Golihii dhexe iyo Guddidii fulinta ee Ururka Xaqsoor, haddii laga tagi waayey Inan ayaa ka hadlaysay oo ahayd garabka haweenka, tusaale ahaan haddii aan anigu maanta ku biiro, lama odhanayo Xaqsoor ayaa ku biiray, ee waxa la odhanaya Dogox ayaa ku biiray, waxaana aad uga xumahay dadkii waaweyna ee halkaas ka hadlay ee walibana sida tiiqtiiqsigu ku jirey u yidhi inta ka hadhayna ku soo biirahaa, Taageerayaasha Xaqsoorna wey ka weyinihiin in sidaas afka wax looga yidhaahdo, weyna sii kala fogeynaysa dadka wada hadlaya, halkii wax la iskaga soo dhaweyn lahaa wuxuun ayey sii kala fogeynayaan, kuwii xaflada soo abaabulay iyo kuwii ka hadlayba”
Xildhibaan Saleebaan Daahir Dogox isaga oo ka hadlaya wada hadaladii u dhexeeyey Ururka Xaqsoor iyo Xukuumadda waxa uu yidhi “Wada hadalada Xaqsoor iyo Xukuumaddu wey jiraan weyna socdaan, waxaana ku baaqi lahaa in wixii carqaladaynaya wada hadladaas la iska ilaaliyo haddii ay noqoto labada dhanba, xaqiidii Ragan Dawladda ka soo jeeda ee meesha ka hadlaayey haddii ay waxani dhab ka tahay Wasiirno ayaa ku jiray Xildhibaano ayaa ku jiray, waxa ay sameeyeen maaha wax dalka iyo dadkaba dan u ah”.
Xildhibaan Dogox isaga oo hadalkiisa sii wata waxa uu yidhi “Doorashooyin marka la galo ama waa la is booba ama waa la is dhaca ama waa la is xada, waxaas oo dhami doorashooyinka ayey ka mid yihiin, anigu waxa aan qaba in haddii ciyaarta laga baadiyo, is kastaba ha laagaga badiyey, waa in laga taliya aayaha dalka iyo dadka, oo hore looga socdo, oo in aan kubada cirka loo leedin ee la soo dajiyo, ee wax walba laga xaalo isla markaana aan carqalad la gelin, wax dib u soo noqon mayaan ee waa in laga wada xaala wax walba oo jira, anigu ma qabo in Xaqsoor Xisbi Afaraad laga dhigi doono ama in Xisbi inta liiska laga saaro Xaqsoor la soo gelin doono, wax walba oo aduunyada dhaca waa laga wadla waana laga wada xaajooda, in cidla la istaago oo mucaarad iyo muxaafid mina la raaci waayo ma wanaagsana, anigu Saleebaan ahaan hadba Xisbiga I qanciya ee ayaan ku biiri doona haddii ILLAAHAY SWT yidhaahdo”.
Xildhibaan Dogox oo ka hadlaya sida uu arko Madasha Wada tashiga ayaa yidhi “Dawlad ayaa jirta, Dawladduna waxa ay leedahay Golayaal lagaga hadlo, waxa ayaan daro ah in la yidhaahdo Gole kale ayaan sameeynaya, oo aanu sharcigu ogelayn, waxaanad garanysa inay khaldameen inay Magacii Gole badaleen oo ay u badaleen Madasha, waxaana u arka arin aad u khaldan oo aan u baahanayn in dalka carqalad lagu geliyo maalinta dambena Inqilaab ayaan u arkaa, waana Nin yidhi Gole Barlaaman oo kale yaan sameeynaya,aadna waan uga xumahay in rag waaweyn oo caqligoodu aad u badan yahay inay arintaasi ka soo yeedhay”.

 

Salaanmedia/Hargaysa