Xildhibaan Golaha Guurtida Ka Tirsan Oo Ka Dayriyey Xaaladda Somaliland Ku Sugan Tahay

axmed-muuse-obsiiye

Hargeysa (SM) – Xildhibaan Axmed Muuse Obsiiye (Gacan), oo ka mid ah xildhibaanada waaya aragga ah ee ka tirsan golaha Guurtida Somaliland, ayaa ka dayriyey xaaladda Somaliland ku sugan tahay wakhtigan, waxaanu dhaliilay xukuumadda talada haysa ee Madaxwayne Siilaanyo.
Xildhibaan Axmed Muuse Obsiiye, oo shalay Wareysi siiyay Wargeyska Geeska Afrika, ayaa ka hadlay xaaladda amaanka, sababaha loo sibir saarayo bixitaanka Genel Energy iyo diyaaradda Ethiopian Airlines, waxaanu sheegay in labaduba ay bixitaankooda amaanka ku sababeeyeen.
Xildhibaanku, waxa kale oo ka hadlay xeerka horumarinta wadooyinka ee Wasiirka Madaxtooyadu horgeeyay Golaha wakiilada iyo in shaqadii Golaha Guurtidu meesha ka baxday intii xukuumaddani talada dalka la wareegtay.
Xildhibaan Axmed Gacan, oo ugu horeyn ka hadlaya xaaladda guud ee Somaliland ayaa yidhi “Xaaladda Somaliland hadda wejiyo badan ayay leedahay, haddii la eego nabadgalyada mashaakil badan ayaa jira, ilaa afar iyo toban dhacdo oo dalka ka dhacay ilaa hadda waxba lagama qabanin oo tii bariga iyo galbeedkaba leh, waxaanad moodaa in dawladdu inay ka gaabinayso wax ka qabashada xagga nabadgalyada, Guurtidana arintii waa laga fara maroojiyey, xagga siyaasaddana dalku dhaqaale iyo siyaasad ahaanba murug buu ku jiraa, siyaasaddu meel ay ku jihaysan tahay oo aynu nidhaahno siyaasadda dalku halkaas ayay jaangoynteedu tahay ma jirto, waxaad arkaysaa in dadkii dalka hantida gashan lahaa (Maalgashadayaasha) ay yaacayaan oo ay leeyihiin nabadgalyo daro ayaanu u yaacaynaa.”
Xildhibaan Axmed Muuse Obsiiye, waxa kale oo uu sheegay “Waxaad arkaysaa iyadda oo wixii dalku u baahan yahay Soomaaliya la inoo waydiinayo, waxaad arkaysaa iyadda oo aanu dhaqaalihii meel ku jihaysnayn, oo hanti boob badani jiro, waxaad arkaysaa cashuurtii shan laba laab laga dhigay oo aan saldhigba lahayn, markaa siyaasadda dalka eego meel aan maanta ku mataalo oo aan idhaahdo halkaasaa u calaamad ah oo hiigsigaasi ayay leedahay ma garanayo, way sabbaynaysaa” ayuu yidhi waxaanu intaa ku daray “Nabadgalyadu xagga ILAAHAY ayuunbay inooga dhisan tahay ee wax si wanaagsan gacanta ugu hayaa ma jirto, waayo nin walba wuxuu leeyahay ammaanka Somaliland ma deggana, shirkaddii lahayd shidaal baanu baadhaynaa ayaa maqlaysaa oo leh ammaanku ma deggana, markaa maanta meel aan idhaahdo halkaysay ka amaanan tahay ma garanayo”
Xildhibaan Gacan, wuxuu masuuliyadda mushaakilaadka dalka ka jira oo dhan dusha ka saaray xukuumadda “Xukuumaddu way u dhan tahay taasi, hogaanka guud ee dalku waa xukuumadda weliba waa Madaxwaynaha, Madaxwaynuhu dadka uu soo qabsanayo (Xilalka u dhiibayo) waxaad moodaa inay yihiin dad uu isagu dan ka leeyahay, laakiin umaddii dalkan u danayn lahayd ee dalka wax ka fahmi lahayd in aanay jirin, mida kale dalku laba Gole ayuu leeyahay oo miisaankiisu wuu isku dheeli tirnaa, laakiin imika wixiiba xukuumadda ayaa faraha looga qaaday, labadii Golena waxaad moodaa inay jeebka gashadeen, oo wax hadlaya iyo wax wax diidaya, markaa waxaan ku leeyahay dalku dhan walba wuu ka dhintay, dawlad ahaan markaad u eegto xukuumadda ayaanan amaanayn, golahayaga Guurtida ayaanan amaanayn, ka Wakiilada oo naga sii xun ayaanan amaanayn, xukuumaddana meel aan ka soo qaato oo aan idhaahdo halkaasi ayay ka fiican tahay ma garanayo runtii” ayuu yidhi waxaanu intaa ku daray “Saddexdaa sanadood ee ay xukuumaddani jirtay saddex meelood oo kaliya oo aan soo xalinay la heli maayo, markaa kamaanaan qaadan waajibkayagii, taana waxa keentay xukuumadda oo meel walba nooga horeynaysa oo farogalinaysa, marka ay nooga horeyso ee ay farofareysana annagu meel aanu ka soo qabano ma garanayno, waayo wixii ma dawoobayaan haddii lagaaga horeeyo, dhaqankii aanu ku xalili jirnayna lagu qabto ma dawoobayo wixii ee way isla sii xumaanaysaa, markaa annaguna waanu ka fadhiisanay, ta mashaakilka keentayna taa weeye”
Xildhibaan Axmed Gacan, waxa uu sheegay in xukuumaddu sii kordhiso Mushaakilaadka ay isku daydo inay xaliso “Waxaad ka soo qaadaa waata la isku haysto Saylac, ta Saylac iyo ta Xariiradna way isku xidhan yihiin, waad ogtahay golaha deegaanka Saylac xildhibaanadii looga doortay qolada galbeedka ilaa maanta lama buuxin, waxaad arkaysaa in meel walba xumaanteedu ay isa sii fuulayso uun, markay arintu sidaa noqotana bal marka xukuumaddu daasho mooyaane inaanu barbar yaacno annagu waanu iska diidan nahay, markaa inta xukuumaddani timid shaqadii golaha Guurtidu meesha way ka baxday” ayuu yidhi, waxaanu intaa ku daray mar uu ka jawaabayey su’aal la xidhiidhay sida uu u arko cashuu kordhinta uu wasiirka Madaxtooyadu ka codsaday mudanayaasha Golaha wakiilada “Annigu ta aan layaabka ka qaaday taa weeye (Xeerka Wadooyinka ee Wasiirka Madaxtooyadu Wakiilada ka codsaday in cashuur loogu ordhiyo xoolaha), waayo waddo la samaynayaa ma jirto, madaarka lacagta ku baxday waad ogeyd maantana diyaaraddii soo fadhiisatay halisbay gashay, diyaarad weyn oo lagu aaminayaana ma jirto, markaa horta wixii hore ee aynu qabanay ha noqdaan wax munaafacaad leh, anniguna taa waxaan u arkaa dhaqaale urursi maaha wax qabasho, sharcigana waa khalad, in isagu golaha horkeenana maaha (Wasiirka Madaxtooyada)”
Xildhibaan Axmed Gacan, wuxuu sheegay in xukuumaddani aanay dhag jalaq u siinin eedaymaha dhaliisha shacabka kaga yimaada “Xukuumadduhu way necen yihiin wixii dhaliil ah ee shacabkeeda kaga soo noqda, laakiin Xukuumaddan maanta joogtaa ceebta kama siqdo, wixii dhaliil ah way dhageysataa oo wax dan ah oo ay ka leedahay ma jirto, anniguna kuwa ka aamusay ayaan ka mid ahay, sababta oo ah wixii run ah ee aad ka sheegto ee aad farta saarto cidna soo qaadan mayso, adiga ayaa lagu arkayaa qof waalan oo khaldan, iyadoo meesha kharibaadi taalo ayay iyaduna isku arkaysaa inay saxan tahay, markaa waxaan leeyahay cid maanta joogta cidna sixi kari mayso, ilaa ay iyadu isa saxdo”ayuu yidhi, isaga oo intaasi raaciyey isaga oo ka hadlayey sida uu u arko in mudanayaasha Wakiiladu ay ansixiyaan xeerka Wasiir Xirsi hor dhigay “Waxyaabaha aan suurtogal ahayn baa jira, haddii dalka wax walba lagu siidaayo oo wixii khalad ah la is hortaagi waayo, hebel baan u tagaa iyo hebel baanu saaxiib nahay aanu arinku noqon, haddii wixii lanoo wakiishay aanu garan waynana waxay ila tahay inaanu dan isaga tagi doono, waayo cidda wax gacanta ku haysa waa shacabka, markaa shacabka ayaan leeyahay wixiina ilaashada, wax aanu umadda iyo dalka ugu maqannahay ma garanayo”
Xildhibaan Gacan, wuxuu fariin u diray saxaafadda Somaliland “Haddii aad saxaafadda tihiin arimaha runta ka sheega, dalkana wuxuu u baahan yahay baraarug, saxaafaddana waxaad moodaa inay baqatay oo ay dhabarka gaabisay” ayuu yidhi.

Geeska