Xildhibaanada Nacnac Iyo Tukaale Oo Ka Jawaabay Eedaha Loo Jeedinayo Mudanayaasha Ansixiyay Xeerka Wadooyinka Ee Ah Inay Lacag Ku Codeeyeen

Sep 29, 2013 Hargeysa (SM) – Xildhibaan Bashiir Tukaale, oo ka mid ah Mudanayaasha Golaha Wakiilada Somaliland ee u coddeeyay xeerkii Takaaliifta horumarinta wadooyinka oo uu hore uga soo horjeeday, ayaa ka dareen celiyey aragtida shacabka qaar qabaan ee ah in isaga iyo Mudanayaashii xeerkii meel mariyeyba la laaluushay.

Xildhibaan Bashiir, oo shalay Wargeyska Geeska Afrika waydiiyey waxa uu ku qancinayo dadka ku doodaya in isaga iyo xildhibaanada xeerkaa u coddeeyayba ay lacag ku bedasheen masiirkii umadda soo dooratay, ayaa ku jawaabay “Anigu xildhibaan Bashiir ahaan kamaan qayb qaadan doodii golaha ka socotay, haddana waxaan ka mid ahaa dadkii markii u horeysay ee xeerka lasoo dhigay (Xeerka horumarinta wadooyinka) saluugay, laakiin markii dood dheer laga yeeshay ee aad looga dooday, arintu sidii ay ahayd markii lanoo keenay hoos bay uga soo dhacday, markii hoos looga soo dhigay wixii hore ugu qornaa xeerka waxaan waayay sabab aan ku diido, xeerkana 50% halkii uu hore u taagnaa waanu ka soo dejinay”

Xildhibaan Bashiir Tukaale, waxa kale oo uu sheegay “Waddadii uu lahaana waanu ku celinay oo wasaaradda Maaliyaddu wixii qabato oo cashuuraha caadiga ah ka mid noqdo, markaa wax ka bedal ayaanu ku samaynay ay ka mid tahay in dib u eegis lagu sameeyo lix bilood dabadeed, haddii wixii wax sax noqdana ay shaqadu sidii u sii socoto, haddii lacagtii meel kale martana meelo kale loo wareejiyo”

Xildhibaanka oo la waydiiyey waxa ku qancinayo dadka aamisan inay lacag ku ansixiyeen xeerka wadooyinka ee cashuuraha dheeraadka ah lagu saarayo xoolaha iyo gaadiidka, ayaa ku jawaabay “Dadku inay qaataan maaha hadal nin meel ka yidhi, qofku meel uu rayi ka qabay marka uu ku qanco ee hawl badan laga shaqeeyo ee wixii, wixii noqon waayo wuxu isbedali karaa oo halkii ma taagnaan karo, dadkuna maaha inay war walba u fikiraan qofku lacag ayuu qaatay, annigu halkaygii ayaan taaganahay oo wixii kale ee yimaadana waan ku caaridayaa, laakiin taa wax aanu ku diidno meesha may jirin, markii aanu isbedal badan ku samaynay, markaa wax la qaatay anniga Bashiir ahaan iyo xildhibaano kale oo aan ogahay inaan wax la qaatay jirin ayaan qabaa, markaa waxaan leeyahay Waxba maanaan qaadan ee xeerka ayaanu ku qanacnay”

Xildhibaan Axmed Maxamed Diiriye (Nac-nac), oo sidoo kale aanu waydiiyey waxa uu ugu jawaabayo dadka qaba inay xildhibaanadii xeerka ansixiyay qaateen lacag, si kulul u yidhi “Waxaan leeyahay lacag maanu qaadan, dad muwaadiniin ah ayaanu nahay oo waddanka ayaanu lexejeclo ka qabnaa, 8 xildhibaanna warqadooda anshax marinta ayaanu u gudbinaynaa shirguddoonka” ayuu yidhi xildhibaan Axmed Maxamed Diiriye (Nacnac).

Salaanmedia Hargeysa Office
Geeska Afrika