Xisbiga Kulmiye oo iclaamiyey wakhtiga shirweynaha xisbigu qabsoomaayo.

image

Hargaysa (SM):- Guddoomiye ku xigeenka Golaha Dhexe ee xisbiga Kulmiye ahna xildhibaan ka tirsan mudanayaasha golaha wakiillada Somaliland Maxamuud Jaamac Warfaa ayaa ka hadlay shir ay yeesheen hogaanka xisbiga Kulmiye.

Maxamuud Jaamac Warfaa oo maanta warbaahinta kula hadlayay magaalada Hargeysa ayaa sheegay in shirkii labada cisho u socday hogaanka xisbiga Kulmiye ay ka wada hadleen sidii loogu diyaar garoobi lahaa shirweynaha xisbiga ee la filayo in uu qabsoomo daboyaaqada sanadkan.Isaga oo arrimahaasi ka hadlay waxa uu yidhi “Waxaanu ka wada hadlaynay sidii shirweynaha soo socda ee fooda inagu soo haya wax gaarana muu jirin. Hogaanka xisbiga iyo shir gudoonka golaha dhexe ayaan ahayn arrintaana waan isla soo dhawaynay meel wanaagsan ayay ilaa imika noo maraysaa”.

Xildhibaan Warfaa isaga oo ka jawaabaya hadal ka soo yeedhay guddoomiye ku xigeenka 3aad ee xisbiga UCID Cali Guray, waxana uu yidhi “Inta Cali Guray leeyahay Kulmiye dhul gariir ayaa ka dhacaya koodii buu dhul gariir ka dhacay, laakiin anagu waxaanu ku rajo waynahay in sida ugu wanaagsan waxayaga u hagaajisano, Insha Allah waala arki doonaa shir guul ka soo baxdo ayaa la arki doonaa.”

Maxamuud Jaamac Warfaa waxa kale oo uu beeniyay in xukuumaddu farogelin ku samaysay shirka agabar waxana uu yidhi “Xisbig iyo xukuumadda shir kaasi isna khuseeyaan shirku waa shir beeleed beel baana ku arrinsanaysa xisbiguna waa xisbi dimuqraadi ah, xukuumadduna waa xukumaddii KUlmiye, markaa u malayn mayo in uu ka qabsoomi laayahay xukuumadda laakiin qof ujeedo leh oo u baahan in uu eed qaado ayuun baa wada”.

Salaanmedia/Hargeysa

 

 

TOP