Xisbiga Mucaaridka Ah Ee WADANI Oo Wasiirka Duulista Ku Eedeeyay Inuu Musuq-maasuqay Lacagtii Madaarka Loogu Talagalay

Sep 26,2013 Hargaysa(SM) – Xisbiga mucaaridka ah ee WADANI ayaa xukuumadda ku eedeeyay in ay ku guul daraysatay in ay madaarka Diyaaradaha ee Hargeysa uu noqdo Garoon ay ku soo dagi karaan nooc walba oo ka mid ah diyaaradaha isga kala Goosha Dunidda Dacaladeeda,una soo jeediyey in aanay diyaaradaha waawayn ku jujuubin in ay ka soo degaan Garoonka aan u qaabaysnay in ay adeegsadaan Diyaaradaha aadka u waawayn ee xamuulka,isla markaana ay diyaaradaha u leeciyaan si aanuu dalku u gadoon min Madaarka diyaaradaha ee magaalo xeebeeda Berbera,oo sida ay sheegen dhaama dhinaca tayada kan Hargeysa in kasta oo aanuu helin dactir wayn.

Xubno ka tirsan Xisbiga oo maanta shir jaraa`id ku qabtay xarunta guud ee Xisbiga ee Hargeysa waxa ay sheegeen in aanuu qarsoomahayn musuq maasuqa lagu sameeyay lacagihii loogu tallo galay in lagu dayactiro Garoonka diyaaradaha ee Hargeysa balse aan ilaa hada la garanahayn meesha ay martay,isla markaana marka la eego lacagta ay wasaradu sheegtay in la galiyey aanay ku muuqan Garoonka oo uu ka aradanyahay,Axmed Xuseen Fag-fagaas oo ahaan jiray duuliyey sare kana mid ah masuuliyiinta Xisbiga WADANI waxa uu qeexay sida uu noqonayo Garoon heer caalami ah oo la tartami kara wadamada jaar keena oo ay dhisi karaysay lacagtii la sheegay in ay ku baxday balse uu maanta Garoonkii Hargeysa uu yahay sidii uu markii hore ahaan jiray oo aan xataa waxbana lagu kor dhin waxanuu yidhi”madaarka Hargeysa waxa iska leh dawlada Somaliland,maaha in diyaaradaha waawayn lagu haleeyo madaarka Hargeysa ee qabyada ah “ ayuu yidhi.

Waxa uu intaasi ku daray in ay nasiib daro tahay in maanta diyaaradihii naawilayey Garoonka Hargeysa in ay ka soo degaan marka la furo in ay haatan u baydheen wadamada jaarka sida Muqdisho oo ay ka bilaabeen duulimaad yadoodii,nasiib daro wayna ay tahay.
Dhinaca kale Cabdirashiid Maxamedi Cali oo isna ka mid ah masuuliyiinta Xisbigaasi ayaa sheegay in dhawaaqii laga sheegay Garoonka Diyaaradaha ee Hargeysa ee ahaa in aan wax la taaban karo lagu soo kordhin Garoonka ayba hada rumawday,musuq maasuquna uu yahay mid aan la qarin Karin waxanuu yidhi”musuq maasuqii ka dhacay Garoonka Diyaaradaha Ee Hargeysa maaha wax dabool la saari karo oo la qarin karo” ayuu yidhi Cabdirashiid.

Si kastaba ha ahatee maaha markii ugu horaysay ee uu xisbiga WADANI ka hadlo xaalka Garoonka Magaalo madaxda Hargeysa tan iyo markii uu madaxwayne silanyo xadhiga ka jaray mudo bil iyo badh ah ka hor ka dib dayactir lagu sameeyay Garoonka oo socday mudo sanad iyo badh ah balse tan iyo markii la furay waxa soo ifbaxayey dhaliilo kul kulul oo loo soo jeedinayey wasiirka Duulista taas oo salka ku haysay in aanuu Garoonku gaadhsiisnay heerkii laga filayey isla markaana lacagihii loogu deeqay Garoonka oo malaayiin Dollar ahaa anay ka muuqan oo uu ka arradanyahy,in kasta oo mar walba wasiirka duulista iyo hawada Somaliland Maxamuud Xaashi Cabdi uu mar walba sheego in ay yihiin eedaha loo soo jeediyaa kuwo siyaasadeed ee uu yahay Garoonku mid heer caalami u habaysan,ayadoo ay muranka ka taagan Garoonka sii murgisay Diyaaradii Ethiopian Air line oo duulimaadkii ugu horeeyay ka dib aan madarka Hargeysa ku soo laaban sheegtayna in ay saluugtay Dhismaha Garoonka,in kasta oo la sheegay in ay soo noqonayso oo ay duulimaadkeedii halkii ka sii wadanayso hadana aan ilaa hada la ahynin.arrintan ayaa waxa ay ku soo beegmaysaa ayadoo maanta Diyaarada Daallo oo ah diyaarad wayn ay shil sida la sheegay sahlan ku gashay gudaha Garoonka Diyaaradaha ee Hargeysa oo aan ilaa hada laga war haynin waxa sababay iyo in uu khasaare ka dhashay,isla markaan dadkii hore u dhaliili jiray daliil u noqonaya xaalada Garoonka Diyaaradaha ee Hargeysa.

Salaanmedia/Hargaysa