London 20sep13(SM) Xisbiga Ucid Laantiisa Uk ayaa Deeq lacageed Gaarsiyey Muwaadin Reer Somaliland oo ku dhibanaa Wadanka Turkiga ,Talabadan oo ah mid lagu dayasho wacan aya waxa maanta si rasmiya ugu wareejisay muwaadinkaas lacagtii loo soo ururiyey Marwo Farduus Cige Gudoomiyaha Garabka Haweenaka ee Xisbiga Ucid , lacagtan ayaa waxa qayb libaax ka qadatay Marwo Farduus Cige iyada oo uga mahad calesay dhamaan Tageeraayashii Xisbiga Ucid iyo Jaaliyada Reer Somaliland ee ku dhaqan UK.
Muwaadinkan oo in mudo ah ku dhibanaa wadanka Turkiga ayaa waxa la soo daristay xalaad cafiimaad daro lacagtan oo dhan 9000Kun oo Pound una dhigagta 15kun oo Doolaraka Maraykanka . Xubnaha Xisbiga Ucid ee Uk aya waxay uga mahad celiyeen dhamaan dadkii ka cawiyey soo uruurinta kharashkaas taas oo u horseed ka ahaa Murashaxa Madaxwaynaha Xisbiga Ucid Jamaal Cali Xuseen iyo ku xigeenkiisa Cabdirashiid Xasan Mataan waxa kale oo qayb ka qatay Xoghayaha XIsbiga Ucid laaantisa Uk Mudane Cabdilaahi Cumar Shaqale oo aha qofkii u horeyeyee lacagtaas ku Yabooha. Xoghayaha Xisbiga Ucid laantiisa Uk ayaa waxa uu u baqay shacab waynaha Uk in laga qayb qaato takulaynta Muwaadin kasta oo ku dhiban dalka dibadiisa xisbiyada qarankuna ay iska kashadaan waxana uu uga mahad Celiyey Marwo Farduus Cige oo iska xil saartay Hawshaas.
Salaanmedia/Hargaysa