Xisbiga UCID Oo Naqdiyay Safarka Madaxweynaha Ee Gobolada, Kuma Macneeyay Mid Lagu Qarinayo Musuqa Iyo Cadaalad Darada Baahsan Ee Dalka Ka Jira(War-saxaafadeed)

Xisbiga UCID Oo Naqdiyay Safarka Madaxweynaha Ee Gobolada, Kuma Macneeyay Mid Lagu Qarinayo Musuqa Iyo Cadaalad Darada Baahsan Ee Dalka Ka Jira(War-saxaafadeed)


Press release

Ujeedo :- Safarka Madaxweynaha ee Gobolada ,waxaa lagu qarinayaa musuqa iyo cadaalad darada baahsan ee dalka ka jira.

( Mashruuc baal la furay iyo Mashruuc baa dhagax la dhigay,waa farsamooyin loo adeegsado,laguna qariyo musuqmaasuqa iyo cadaalad darada baahsan ee wadanka aafaysay)

Sep 18, 2013 Hargeysa (SM) – Marka hore waxaan salaan mudan dhamaan shacabka reer Somaliland meelkasta oo ay joogaan gudaha iyo dibadaba.

Sida aad la wada socotaan waxaa malmihii ugu dambeeyey safar ku tegay qaar ka mid ah Gobolada Somaliland Madaxweynaha Somaliland Md.Siilaanyo,iyo kooxda Wasiiro sheegata.laakiin dalka looga yaqaan « yaanu u jawaabnaa iyo qaar kale oo loo yaqaan kooxda awooda badan ee ee ku xeeran Madaxweyahay ».

Haddaba Xafiiska Arimaha Gudaha iyo xidhiidhka Gobolada ee Xisbiga UCID wuxuu u arkaa safarkaa

Madaxweynaha iyo kooxda loo yaqaan « yaanu u jawaabnaa » sida tan :-

1. Mashaariic baa qaarna la furay qaarna dhagax la dhigay,waxaa lagu qarinayaa Musuqmaasuqa iyo cadaalad darada baahsan ee maanta ka jirta Somaliland,waa hab lagu marin habaabinayo shacabka reer Somaliland gudaha iyo dibadaba .

2. Mashaariic baa la furay ,qaar ayaa dhagax la dhigay waa farsamooyinka ay Xukuumada Somaliland u adeegsato Musuqa iyo cadaalad darada,waa hab loo adeegsado in lagu naas nuujiyo ,lagu xooleeyo,qandaraasyo lagu siiyo shaqsiyaad gaar ah oo la doonayo in ay dhaqso u taajiraan. Waxaa markhaati buuxa ka ah musaqa ka dhacay Hargeysa Airport iypo Shirkadii Genel oo aan ilaa hadda xal loo helin.

3. Shacabka sharafta leh ee reer Somaliland waxaa la gudboon in ay dhegaha iyo Indhahaba furaan oo fahmaan in Mashaaricda loo sheegaayaa ay been yihiin,balse ay yihiin habka ugu fudud shacabka lagu qaldi karo, cashuurta iyo deeqaha Ummadda la siiyana jeebabka loogu guran karo.

4. Waxaa haboon si si deg deg ah Xisbiyada Mucaaridka ahi u magacaabaan guddi isku jir ah oo soo baadha Musuq maasuqa iyo cadaalad darada wadanku la kacaa kufayo.

5. Waxaanu ka codsanaynaa Golayaasha Xilligoodii dhamaaday , Garsoorka dalka iyo ,Xisbiyada Mucaaridka ah iyo guud ahaanba shacabka reer Somaliland ee nadiifta ah in la gaadhay xilligii la BADBAADIN LAHAA DALKA IYO SHACABKA DANYARTA AH,SHARCIGANA LA HORKEENI LAHAA SHAQSIYAADKA AFKOODA UU KA QOYAN YAHAY DHIIGII IYO DHEECAANKII DANYARTA REER SOMALILAND.

6. Waa muhiin in sida ugu dhaqsaha badan Mucaaridku uga tashadaan talaabo kasto oo muhiim ah iyo sidii shacabka masaakiinta ah loo badbaadin lahaa.

Hadal iyo dhamaan ma jiri doonto meel ay ku dhuuman karaan dhulka korkiisa , kuwa jeebabka ka buuxsaday shillimadii danyarta iyo dadka maasaakiinta ah ,Akhirana waxaa idin hortaala xiisaab adag oo aydaan ka baxsan karin

(Nina dhuuni buu ku dhex joogaa————-Nina dhaqashuu kuugu dhabar jabay)

ALLAA MAHAD LEH

Xoghayaha Arimaha Gudaha Iyo Xidhiidhka Gobolada Ee Xisbiga UCID

abdi_saleiman@hotmail.com.