Home Wararka Xisbiyada WADANI Iyo UCID Oo Iclaamiyey Mudaharaad Wadajira Maalinta Berrito +Wuxuu Daaran...

Xisbiyada WADANI Iyo UCID Oo Iclaamiyey Mudaharaad Wadajira Maalinta Berrito +Wuxuu Daaran Yahay!

 

Xisbiyada WADANI iyo UCID  oo iclaamiyey mudaharaad wadajira maalinta berrito +wuxuu daaran yahay!

ucidwadani611

Hargeisa-(SM)-Warar ka soo baxaaya waaxyaha warbaahinta ee Xisbiyada mucaaradka Waddani iyo Ucid ayaa ku baaqey mudaharaadyo ay si wadajira u qaban doonaan berri,kaas oo ay kaga soo horjeedaan waxay ugu yeedhee XEER-XIRSI (Wasiirka Madaxtooyada)

ciro$fsl

Xeerka wadooyinka oo ay xisbiyada mucaaridku ugu yeedheen “XEER-XIRSI” ayaa dood halisa ,colaad iyo cunfi ka dhex oogay xildhibaanada golaha wakiilada ,aakhirkiina laba xidlhibaana isku feedheen golaha gudahiisa.

Geesta kale xeerkan ayaa la sheegay inuu qaab khaldan oo fool eri ama jujuuba ku yimi golaha wakiilada oo uu tahriibinaayey Xildhibaan Axmed Kijaandhe oo ah gudoomiyaha gudi-hoosaadka arimaha Bulshada oo aan shaqo ku lahayn xeerkan oo ay ahayd in loo gudbiyo gudi-hoosaadka dhaqaalaha golaha wakiilada balse Axmed Kijaandhe ayaa ka maroorsadey oo dhexda iskaga duubay ilaa aakhirkii uu ka dhaxlay in golaha gudihhiisa xildhibaan kale ku garaaco .

buubaa

Xeerkan oo Qasriga madaxtooyadu geed gaaban iyo geed dheerba u fuulay in cod aqlabiyada lagu ansixiyo ayey u eeg-tahay berri oo la filaayo in loo footeeyo in la ansixiyo oo uu durduro golaha ku jiidho maadaba Qasriga Madaxtooyada,wasiirka maaliyada iyo siyaasiyiin ka tirsan golaha xukumada Siilanyo xidlhibaanada qabiil- qabiil,beel-beel iyo jufo-jufo ula faqeen waxooga khadaadiica oo tii Rayaale bixin jiray ka yarna loo qeybiyay inkastoo la sheegay in xildhibaanada qaarkood qaateen lacag ka yar sadex boqol oo dollar qofkiiba.

Isku soo wada duuboo afhayeenada xisbiyada ayaa sheegay inay waraaqo dalab mudaharaad u gudbiyeen wasiirka arimaha gudaha Somaliland hase yeeshee weli ma jiraan wax wara oo ka soo baxay dhinaca xukumada siilanyo.

Salaanmedia/Hargaysa

Xigasho..Qarannews