Xog Muhiim Ah :-Baabuur BooliQarana oo La sheegay in Madaxda Xukuumada Somaliland Leedahay Oo U kiraysnaa Shirkadii Bartoolka Ee Laalaabatay… Se Waa darma Cida Baabuurtan iska lihi.

Xog Muhiim Ah :-Baabuur BooliQarana oo La sheegay in Madaxda Xukuumada Somaliland Leedahay Oo U kiraysnaa Shirkadii Bartoolka Ee Laalaabatay… Se Waa darma Cida Baabuurtan iska lihi.

 

Hargeysa(SM) waxa iska soo daba dhacaya musuq maasuq ay si wadajir ah Dalka uga fuliyeen Madaxda Xukuumadda Somaliland qaarkood iyo kooxo la qawlaysta qandaraasyada Dalka soo gala oo si sharci daro ah uga faa’iidaysta, kuwaas oo meesha ka saaray Nidaamkii Maamul ee Dalka iyo Hay’adihii ku shaqada lahaaba.

Waaheen waxa uu in muddo ah u kuur galayay Heshiisyadii lala galay Shirkadaha Dalka Shiidaalka, kalluunka iyo Macdanta ka baadha, waxaanay qaar badani ku soo baxay qaybaha kala duwan ee Waaheen Media Grouo, kuwaas oo ay Xukuumadda iyo kooxihii wadeen dib uga noqdeen qorshayaashii qaldanaa ee aya wadeen balse qaarkood ayaa wali u muuqda in ay ku hawlan yihiin kooxaha wadaa iyaga oo is leh la idinma oga.

Dhacdada taaga ee waaheen manta diirada saaraysaa waa Gaadiid si qarsoodi ah oo baal marsan nidaamka Dawladnimo loopga kireeyay shirkaddii Genel Energy, kuwaas oo muddo Lix bilood ah si qarsoodi ah oo aan la ogayn dadka leh looga kireeyay iyadoo kooxaha samaystay ay ka heleen dhaqaale buuran oo ay qayb ka tahay nidaamka Dalka lagu soo galiyay oo lagu Lunsaday Cashuuro iyo qaabka loo kireeyay oo ka baxsana Nidaamka qanadaraasyada Dalka u yaala.

IMG-20130914-00094

Toddobaatan Baabuur oo isugu jira Landcruisero isugu jira kuwa dusha qafilan iyo kuwo furan oo qaarkood yihiin umbalance –yo ayaa lix bilod ka hor Somaliland laga soo galiyay dhinaca Xuduudka Jabuuti, iyadoo lagu soo galiyay magaca Shirkaddii Genel Energy in ay leedahay oo ay yihiin Baabuur ay soo iibsatay wallow aanay kooxaha watay bulshada u cadayn, hadana wararka suuqa ay soo galiyeen ayaa sidaas ahaa Dadweynuhuna way aamineen maadaama Dalka ay Xukuumadd ay doorteen ka taliso.

Gaadiidkaas waxa ay klu suntanaayeen in laga soo Iibsaday Shirkadda Toyota Maril, taasna waxa cadayn u ahayd gaadiidkaas oo lagu xareeyay markii la keenayba Xaruntooda ku taala shacabka Hargeysa, halkaas oo lagaga dhakiyay Nambaro nooca Casaanka ah ee ay Xukuumaddu u qoondaysay Hay’adaha Dalka ka hawl gala ama Local ha ahaadaan ama kuwa Caalami ah labadaba’e.

Dhacdadaas Nambarada Cas cas lagu dhajiyay waxay ahaayeen  bar bilowga soo shaac saartay Musuq maasuqa gaadiidkaas ku duugan hase yeeshee may jirin cid ka hadashay, waxaanay Kooxihii watay u daad gureeyeen hawshii ay ugu talo galeen ee ahayd in ay ka kireeyaan Mashruucii fashilmay e shirkaddea Genel Energy ku samayanaysay Sahanaaka deegaamoaa ka tirsan Gobolka Togdheer, waxaanay gaadiidkaas u shaqaynayeen muddo Lix bilood ah sida Waaheen wararka ku heshay.

Gaadiidkan waxa shirkadda Genel Energy lagaga kireeyay sida Ilo wareedy xogogaal ahi Waaheen u xaqiijiyeen Maalintiiba $150(boqol iyo konton Dololar) halkii gaadhiba, taasoo bishii gaadhi kastaa ka heli jiray kiro ahaan $4500 (Afar kun iyo shan boqol oo Dolar),taasoo isugaynta lixdii bilood ee ay shaqaynayeen ka dhigaysa kooxaha lahaa in ay gaadhigiiba ka heleen $27000 (toddoba  iyo labaatana kun oo Dollar).

 

Gaadiidkaasi laga kireeyay shirkadda Genel Energy ee lagu dhajiyay Nambarada Cas cas ee Hay’adaha loogu talo galay waxa dib loogu soo celiyay xaraunta Toyota Marril ee Hargeysa maamlmo kooban kadib markii ay shirkadda Genel Energy dalka ka baxday, halka gaadiidkii shirkadaasi gaarka u lahayd loo daad gureeyay magaaladda Berbera oo ay marka Horeba Shirkadaasi ka soo dajisay.

Hase yeeshee, halkaas laguma day nee waxa ay Kooxaha gaadiidkan leh oo aan wali soo shaac bixin balse muuqan doonaa si qarsoodi ah ugu daad gureeyeen gaadiidkaasi Dayr wayn oo ku yaala Galbeedka Magaaladda Hargeysa, halkaas oo loo geeyay in lagu xafido.

Hadaba, Wargeyska Waaheen isagoo ka duulaya xaqiiqada gaadiidkaasi ayaa waxa uu ogaaday in gaadiidkaasi ay leeyihiin Madax sar sare oo ka tirsan Xukuumadda gaar ahaana u badan xubnaha talada Dalka inteeda badani ku aroorto, waxaanay gaadiidkaasi oo ay ka soo galiyeen dalka dhinaca Jabuuti ku soo dhaafiyeen in ay Hay’addi leedahay taasoo ah sababta ay ugu dhajiyeen Nambarada Cas cas.

Sidoo kale, waxa Wargeyska Waaheen dabagal uu ku sameeyay Hay’addaha lagu soo dhaafiyay Kastamada ku ogaaday in aanay jiri kadib markii saraakiil ka tirsan wasaaradda Qorshaynta uu wax ka weydiiyay, taasoo muujinaysa in aanay jirin nidaam sharci oo loo maray balse awood Dawladeed loo adeegsaday in lagu Lunsado cashuurtioi Dalka, halka shirkadda Gaarka loo leeyahay ee samaysa Nambarada Gaadiidka kala duwan ee Dalkuna ugu taxday nambarada Hay’addaha la sheegayo balse aan illaa hada xaqiiqadooda la haynin.

In  musuq maasuw muuqda isla markaana si rasmi ah u soo shaac bixi doonaa ku gedaaman yahay gaadiidkaasi waxa uu Wargeyska Waaheen baadi doonay in ay jiraan Gaadiid Hay’addo leeyihiin ama Namabar cask u dhegsan yahay la kireeyo iyo inkale, taasna waxa uga soo baxay in aanay jiri gaadiid Hay’addo leeyihiin oo la kireeyaa, waxaana arrintaas waaheen u sii xaqiijiyay saraakiil ka tirsan Xukuumadda iyo Hay’adaheeda u xil saran nidaamka Hay’adaha Dalka ku sugan kuwaas oo isku raacay in ay tahay arrin UGUB ah oo aan jirin.

Marka la isu geeyo intaas oo dhacdo oo aan meelnaba haysan, Wargeyska Waaheen intaas uun kagamuu hadhine waxa uu isweydiiyay haddiiba ay hay’addo leeyihiin maxaa ku soo celiyay Xarunta Toyota Maril, maxaase loogu dayn waayay inta ay Hay’aduhu ka kaxaysanayaan, maxaa loo geeyay qaaba qawsaynka iyo xaafadaha ku yaala cidhifka galbeed ee Hargeysa oo ah xaafad aanay deganayn Hal Hay’add.

IMG-20130914-00101

Isku soo duub Xukuumadda Somaliland waxa looga fadhiyaa in ay Bulshada u cadayso Musuq maasuqa iyo Wax is daba marinta Gadiidkaas oo loo tuhunsan yahay in ay ku talaabsadeen Madaxdeeda ugu saraysa iyo Kooxo Qawalaysato ah oo markasa biyo hoostood ka arka Qandaraas kasta oo dalka soo gala kuwaas oo u jajaban Nidaamkii loo maarayn lahaa isla markaana dhaqaalaha ka soo baxaa ugu koobnaan lahaa.

IMG-20130914-00104

Waxaanu wargeysa Waaheen Bulshada iyo Xukuumada kale ee aan ku jirin silsiladan u soo bandhigi doonaa sida iyo kooxaha fulisa masahaariicdan.

 

Xogasho Wargaysaka

Waaheen