Xubno Ka Mida Golaha Fulinta Ee Urur Siyaasadeedkii Xaqsoor Oo Sheegay In Xubnaha Ku Biiray Xisbiga Ucid Aanay Ka Tirsanayn Ururkaas?.Warsaxaafadeed

xaqsoor

 

Xubno Ka Mida Golaha Fulinta Ee Urur Siyaasadeedka Xaqsoor Oo Sheegay In Xubnaha Ka Biiray Xisbiga Ucid Aanay Ka Tirsanayn Ururkaas?.Warsaxaafadeed

 

 

 
 

Hargeysa(SM):-xubno ka mida guddida fulinta ee urur siyaasadeedka Xaqsoor ayaa sheegay inaanay ururkaas ka tirsanayn xubno ay sheegeen inay ku biireen xisbiga Ucid.

 

Masuuliyiintan ka tirsan ururka xaqsoor waxay  sheegeen inaanay  xubnahaas ku biiray xisbiga Ucid ka tirsanayn ururka Xaqsoor isla markaana aaanay matali  karin ururka Xaqsoor

 

Xubnahan oo warsaxaafadeed ay ka soo

saareen magaalada Hargeysa soo gaadhsiiyey shabakada wararka ee Hadhwanaagnews ayaa waxa uu warsaxaafadeedkaasi u dhignaa sidan ?Ururka Xaqsoor  wuxuu beeni nayaa kooxda sheegatay in ay yihiin garab Xaqsoor ah oo ku biiray garabka New ucid ee uu hogaamiyo Musharax Jamaal Cali Xuseen.

 

Warkaas ay sheegteen xubnahaasi ee ah inay ka tirsanaayeen ururka Xaqsoor waa mid aan sal iyo raad toona lahayn, iyada oo aanay xubnahaasi markoodii horeba ka tirsanayn ururka Xaqsoor wax masuuliyad ahna u hayn.

Sidaa daraadeed waxaanu si mug leh u cadaynaynaa in ay xubnahaasi si laga xishoodo uga been sheegteen ka mid ahaanshaha Ururka Xaqsoor.

Xubinta kale ee sheegatay in Xaqsoor u soo socdaan ka mid noqoshada New ucid ,isagana waxa aanu bulsho weynta  reer Somaliland u sheegaynaa in uu yahay naftii hafar ku hadlay hawraar aan waxba ka jirin, ururka xaqsoorna u soo socon wax w? ayaa lagu yidhi warsaxaafadeedka ka soo baxay waaxda warfaafinta ururkaas kaas oo ay ku saxeexnaayen

 

Eng; Kayse yuusuf Cali

Mr. Maxamed Cali Ducaale (madoobe)

Mr.Mahad Cumar Siciid

Â