Xisbiyada Mucaaridka Somaliland Oo Sharci Darro Ku Tilmaamay Kordhinta Muddo Xileedka Guddida Diwaangalinta.

(SM-Hargaysa) Xisbiyada Mucaaridka Somaliland ee WADDANI iyo UCID, ayaa sharci darro ku tilmamay muddo kordhinta Madaxweynaha Somaliland u sameeyay guddida diwaangalinta ururada iyo Xisbiyada siyaasiga ah, kuwaas oo muddo xileedkoodi loogu daray laba sanno. Guddoomiyaha Xisbiga UCID Eng: Faysal Cali Waraabe iyo Afhayeenka Xisbiga WADANI Xildhibaan Ibraahim Mahdi Buubaa ayaa si kala gooniya uga hadlay arrintaas, ugu horeyn Guddoomiyaha Xisbiga UCID oo ka hadlaaya ayaa yidhi.

“Arrinta guddiga diwaangalinta loogu kordhiyay xilka waa sharci darro, markii hore ee la samaynaayayna looma baahnayn oo xafiiska Koomiishanka Doorashooyinka uunba xafiis diwaangalineed laga samayn lahaa, annagana lanagalama tashan sidii caadiga ahaanjirtay, dhexnimadoonana kumaanan kalsoonayn haddana in loo kordhiyo meesha may oolin”.

Dhinaca kale Afhayeenka Xisbiga WADANI oo ka hadlaayay mawqifka Xisbigooda ee ku aadan muddo kordhinta guddida diwaangalinta ayaa wuxuu yidhi. ” Guddidaas xeer ayaa lagu sameeyay, xeerku wuxuu dhigaayay marka xilkoodu dhammaado in la kala diro, hadaanay jirin baahi loo qabo, wixii agab iyo macluumad ay hayaana ku wareejiyaan Koomiishanka Doorashooyinka, hadda waxaan qabaa muddo kordhintaas loo sameeyay in laba khalad lagu jiro, khaladka koobaad oo ah, wuxuu Madaxweynuhu u kordhiyay iyadoo aanay jirin baahi loo qabo guddida diwaangalinta oo taala, iyo qodobka labaad oo ah golaha wakiiladu waxay ka saareen Miisaaniyad sanadeedka 20014 kharaskii  ugu jiray guddidaas gabi ahaanba. Markaa xagge laga siinayaa  miisaaniyad haddii Wakiiladu  ka sareen kharashkoodi”.

Salaanmedia/Hargaysa