“21 October Waxay Ahayd Maalintii La Lumiyay Masiirkii Ummadda Soomaaliyeed, Waana Ta Maanta Weli Ka Taagan Muqdisho Ee Ay Somaliland…”Muj :Maxamed Kaahin

“Way jiraan waxyaabo wanaagsan oo uu qabtay Xukunkii Millatariga ahaa. Laakiin, 21-ka October……….” Waraysi Gaar Ah: Guddoomiye Ku-xigeenka Xisbiga KULMIYE Maxamed Kaahin Axmed

Hargeysa(SM):- Guddoomiye Ku-xigeenka koowaad ee Xisbiga KULMIYE Maxamed Kaahin Axmed, ayaa ka hadlay xusuustiisa iyo sidoo kale waxa lagu xasuusan karo 21-kii October ee 1969-kii maalintii ay Afgemibga Ciidammadii Millaterigu ku qabsadeen dalkii la isku odhan jiray Soomaaliya, afgembigaas oo ay Millaterigu talada dalka ku qabsadeen, isla markaana Madaxweyne ugu cumaamadeen Genaral Maxamed Siyaad Barre oo 21 sannadood xukun Millateri ku haystay Soomaaliya.

Maxamed Kaahin Axmed oo Wargeyska Somalilandtoday Xalay khadka taleefanka wax kaga weydiiyey waxa uu ka xasuusto 21-kii October 1969 iyo sidii uu noqday xukunkii Millateriga ee dalka afgembiga ku qabsaday, waxaanu sheegay inay maalintaasi tahay mid ku suntan xusuusta ummadda Soomaaliyeed, isla markaana ay tahay maalin madaw oo halka ay Soomaaliya maanta joogto horseed u noqotay.

 

 

Maxamed Kaahin Axmed oo ku sugan magaalada Hargeysa ee Caasimadda Somaliland, waxa uu Wargeyska Somalilandtoday u sheegay inay kacaankii ka dhashay maalintaasi leeyahay wax badan oo wanaagsan oo uu qabtay oo lagu xasuusan karo, hase-yeeshee, wanaaggaas ay isku fuuqsaday dhibaatooyinka uu dalka ka geystay iyo dhibaatooyinka aan la illaawi-karin ee uu ummadda Soomaaliyeed soo mariyey muddadii uu jiray.

 

 

“Horta, anigu maalintaa Ciidan iyo Sarkaal midna maan ahayn ee Arday ayaan ahaa, laakiin waxaa lagu xasuustaa 21 ka Oktoober waa maalintii la lumiyay ummadda Soomaaliyeed masiirkeedii ee la afgembiyay dawladdii ay doorteen, isla markaana dalka uu ka taliya qorigu, waa maalintii dalkii la isku odhan jiray Soomaaliya oo Madaxwaynihii la dilay, isla markaana la doonayo in Madaxwayne kale la soo doorto uu inqilaabku ka dhacay ee ay laalantay dimuquraaddiyaddii dalka ka hana-qaadday, isla markaana ay socon weyday waxaan talo Millateri ahayn.” Sidaa ayuu yidhi Maxamed Kaahin.

 

 

Waxaanu Md. Kaahin oo hadalkiisa sii wataa intaa ku daray oo uu yidh; “Waa maalintii dhalisay in amar ku taaglauntu ay bilaabato, isla markaana dilka iyo xadhigga iyo xasuuqaba la bannaystay, waa maalinta dhalisay in SNM ay halgan u gasho la soo noqoshada Madax-bannaannida Somaliland ee ay duurka u gashay, waa maalinta dhalisay waxa burburiyay dalkii la isku odhan jiray Soomaaliya ee keentay waxa wali Muqdisho ka taagan ee ay Somaliland ka badbaadday, ee ku timi wada-tashiga iyo walaalnimada.”

 

 

Maxamed Kaahin oo la weydiiyay 21-ka Oktoober miyaanay lahayn wax wanaag ah oo lagu xasuusta-ba waxa uu ku jawaabay; “Nidaamkaa Millateriga ahi 21 sano ayuu dalkii Soomaaliya la isku odhan jiray ka talinayay lama odhan karo wuu wada xumaa oo lama dafiri karo inuu waxyaabo badan oo dalka iyo dadkaba faa’iido u leh uu qabtay, waanay jiraan waxyaabo badan oo wanaagsan oo uu qabtay. Laakiin, marka laga hadlayo waxa lagu xasuusan karo 21 Oktoober wixii la qabtay waxaa ka weynayd dhibaatooyinkii la geystay ama ka dhashay, markaa waxaa lagu xasuusan karaa waa maalintii ay laalantay in dalkii Soomaaliya la isku odha jiray ay mar dambe dadkiisu soo doortaan hoggaankii ka talin lahaa, waana maalinta horseedday burburka aynu ognahay halka uu gaadhay ee wali ka sii muuqda meel kasta oo ka mid ahayd dalkii Soomaaliya la odhan jiray.”

Salaanmedia/Hargaysa

Xigasho  Somalilandtoday