Al-Shabaab oo soo bandhigay Dhoolo Tus aad u balaadhan(Daawo Sawirada)

Dagaalyahanada Xarakada Al-Shabaab ayaa dhoolo tus ciidan waxa ay kusoo bandhigeen Degmada Buulo Burte ee Gobolka Hiiraan, halkaas ay isugu soo baxeen boqolaal dadweyne ah si ay u daawadaan Dhoolo tuskaasi.

Gaadiidka dagaalka nuucyadiisa kala duwa iyo mootooyin ayey Shabaab kusoo bandhigeen dhoolo tuskooda waxa ayna wateen dagaalyahanada hub kala duwan ay sheegeen in ay kula dagaalamayaan Dowlada Soomaaliya iyo dowladaha kale ee taageera.

Waxaa sidoo kale dhoolo tuska intii uu socday dagaalyahanada Shabaab soo bandhigeen boorar ay ku qornaayeen in ay u aargudayaan shacabka Soomaaliyeed ay ciidamada Kenya ku dileen gudaha Soomaaliya weerarkii Westgate Mall ka dhacayna uu bilow u yahay.

Salaanmedia/Mogdisho