Chelsea Oo £42m Ku Dooneyso Sergio Ramos Una Balan Qaaday Inay Ka Dhigi Doonto Daafaca Caalamka Ugu Mushaarka Badan!

Sergio Ramos, Real Madrid v Deportivo La CorunaP

Kooxda Chelsea ayaa qal qal xoogan ku abuurtay Real Madrid kadib markii ay shaaca ka qaaday inay Sergio Ramos ka dhigi doonto daafaca caalamka ugu mushaarka badan, aqbaartan Ramos siweyn ayuu usoo dhaweyn doonaa balse Real Madrid ma jecleesan doonto waayo dhawaan ayay xidigan ka diiday inay mushaarka u kordhiso, sidaa darteed wargeka Punto Pelota ayaa sheegay in Chelsea ay bisha Janaayo xidigan waaya araga ah kula soo saxiixan doonto aduun lacageed oo gaarayo £42m, waana qiimo lacageed oo aysan Madrid diidi karin, Ramos qandaraaska uu Real kula joogo wuxuu ku egyahay sanada 2017 balse asiga ayaaba diyaar u ah inuu Bernabue isaga tago mar hadii aan loo arag shaqsi muhiim u ah kooxdan.

Balan qaadka Chelsea intaas kuma eko waxayna wakiilka Ramos u sheegtay in xidigan laga dhigi doono daafaca aduunka ugu mushaarka badan asigoo sanad walbo qaadan doono £9.2m, macalin Mourinho ayaa xidigan taageero weyn u ah wuxuuna aaminsan yahay inuu waxbadan ka wanaagsan yahay daafacyada haatan Chelsea ku sugan sida Teryy, Luiz, Ivanovic iyo Cahill, Ramos oo 27-jir ah wuxuu kooxdiisa Real Madrid u saftay 360-kulan waxaana intaas usii dheer inuu Madrid kula guuleestay 3-horyaal sidoo kalena xulkiiisa Spain 113-kulan ayuu u saftay asigoo la qaaday labo jeer tartanka qaramada Yurub iyo hal koob aduun.