“Annigu Waxaan Ahaa Wariyihii Ka Hadlayey Maalintaa Radio Halgan (17-ka October 1984-kii)” Wasiirka Warfaafinta

(SHargeysa) – Wasiirka Wasaaradda warfaafinta, Wacyigalinta iyo dhaqanka Somaliland Cabdilaahi Maxamed Daahir (Cukuse), ayaa maanta khudbad ka jeediyay Munaasinad balaadhan oo lagu xusay Maalinta shuhadada SNM, oo lagu qabtay hoolka shaqaalaha dawladda ee Magaalada Hargeysa

Wasiir Cabdilaahi Cukuse, wuxuu sheegay in maalintii uu dhacay dagaalkii Burco-duurey ee ay ku dhinteen shuhadada SNM ee Mujaahid Lixle ka mid ahaa uu ka hadlayey idaacaddii SNM ee radio Halgan “Annigu waxaan ahaa Wariyihii Radio Halgan ka hadlayey maalintaa (Maalintaa 17-ka October 1984), anniga iyo Muuse Aaden oo dhintay Alle AHN, ayaanu ahayn, raggii badnaa ee maalintaa ka shaqeynayey idaacaddii Halgan intooda badan maanta waxay ka shaqeeyaan Idaacada Qaranka ee Radio Hargeysa, intii dhimatayna ILAAHAY naxariistii Jano haka waraabiyo, shuhaado badan ayay maalintani u taagan tahay, guushii SNM maxay tahay, guusha SNM waa Somaliland oo guuleysata, haddii Somaliland guul-dareysato SNM way guul dareysatay..

Ma beenbaa, Somaliland waxay ka talinaysaa Carruurtii uu ka tagay Mujaahidkii maalintaa dagaalamayey in aanay dayacmin, waana mid ka mid ah sababaha xukuumaddu u go’aansatay in waxbarashada bilaash laga dhigo”ayuu yidhi waxaanu intaa ku daray “Somaliland waxay Somaliland ku noqonaysaa in qof kasta oo innaga mid ah hadduu SNM yahay iyo haddaanu ahaynba uu dareen u yeesho maanta waxa innaga dhexeeyaa Somaliland, waxaan jecelahay shacabka Hargeysa, waxaan jecelahay shacabka Saylac, waxaan jecelahay shacabka Burco, Berbera, Ceerigaabo, Laascaanood, Salaxley, Buuhoodle, Baligubadle, Gabiley iyo Borama ayaan jecelahay, waxaan jecelahay shacabka reer Somaliland daraf ilaa daraf, maanta waxaynu doonaynaa oo ay guusheenu tahay, guusha Somalilan-na tahay inaynu helo Somaliland oo ah dawlad adduunka ka mid ah, wixii waxaa ka sokeeya ka shaqeyn mayno, dareenkeena aynu ka dhigno mid Waddanimo, mid Somaliland-nimo”

Salaanmedia/Hargaysa