Ardaydii dhamaysatay waxbarashada Dugsiga boodhinka ah ee Xaaxi oo shahaadooyin la gudoonsiiyay

Hargeysa(SM)-Dugsiga boodhinka ah ee Xaaxi ee ku yaalla gobolka Daadmadheedh ayaa habeen hore xaflad Sabootin ah u qabtay Ardaydiisii ka qaybgalay Imtixaanka shahaadiga ah dugsiyada H/dhexe.

 

Grabbed Frame 6

Munaasibada sabootin ah ee dugsiga Xaaxi u qabtay Ardaydiisa oo ka qabsoontay Hotel ambassador ee magaalada Hargeysa, ayaa waxaa ka soo qaybgalay Guddoomiyaha Golaha wakiilada ahna guddoomiyaha xisbiga Wadani Cabdiraxmaan Maxamed Cabdillaahi (Cirro), Wasiirka wasaarada Deegaanka Shugri Xaaji Bandare, Wasiirkii hore ee arrimaha Gudaha Maxamed Nuur Caraale (Duur), Guddoomiyaha waxbarashada Gobolka Daadmadheedh, Xildhibaano iyo Maamulaha dugsiga iyo Macalinta iyo Marti sharaf kale.

Grabbed Frame 4 (2)

Dugsiga boodhinka ah ee Xaaxi oo ka mid ah dugsiyada H/dhexe ee ay wada-shaqayntu ka dhaxayso Wasaarada waxbarashada sida uu sheegay maamulaha dugsiga Xaaxi Maxamuud Daahir Caraale oo ugu horen munaasibada ka hadlay “Hadii aan soo koobo warbixinta dugsigan Xaaxi, waxaa weeye runtii arday u soo dhabar adagtay waxbarashada ay ku soo qaateen dugsiga Xaaxi.Ardaydan waxaan odhan karaa waa ardaydii inta badan ilaa intii meeshu furnayd la soo jiifay macnaha u soo samray maanta waxaa jiray rag iyaga la bilaabay oo iyaga uu ka xidhiidh furmay.Laakiin iyagu maanta waxay ku amaanan yihiin runtii wixii halka ka jiray waayo waa dadkii lagu bilaabay iyada oo meeshu bilow tahay yacni u soo samray ayey ahayeen runtiina aad iyo aad ayaan ugu faraxsannahay.” Ayuu yidhi Maamulaha dugsiga Xaaxi Maxamuud Daahir Carraale waxaanu hadalkiisa sii raaciyey“Runtii markii dugsiga la bilaabay waxay ahayd 2008-deedii, ardaydii lagu furay waxay ahayeen 100 soddon waa kuwan oo waa difacdii saddexaad oo fasalka 8-deeda ayay ka qalinjebiyeen waa waxay ahayeen arday yar-yar oo 12 toban jiro u badan meesha ayay ku koreen runtii  ilaa lix sanno ayay meesha dhiganayeen qiimayntii ay ku galeen waxbarashada waxa weeye wasaarad waxbarashada ayaa qiimaysay oo aad iyo aad howl-badan ka gaystay ilaahayn wuu nagu guuleeyey.”

Grabbed Frame 13

Sidoo kale waxaa munaasibada ka hadlay Sheekh Yuusuf Aadan oo ka mid ah masuuliyiinta jimciyada sunbul oo gacan weyn ka gaysta kobcinta dugsigan Boodhinka ah ee Xaaxi waxaan hadaladiisii ka mid ah “Aad iyo aad ayey runtii farxad noogu tahay inay dadka sharafta badani nagala soo qayb-galaan xafladan qallinjebinta ah oo ah howl aanu soo gudanay oo muddo dhowr ah waqti badan nagu soo qaadatay.”Ayuu yidhi Sheekh Yuusuf Aadan waxaanu intaasi sii raaciyey “Markii laga soo sheekeeyey waxaa meesha aanu ku haynay, waxaa weeye jimciyada yar ee la yidhaahdo Sunbul runtii waxay ahayd in aanu howl-badan galo.Laakiin waxaad mooda markii aanu iskuulkan faraha la galay in aanu isagiiba ka dhamaan weyn oo howshii oo waxay ahayd in aanu dadweynaha waxyaabo badan u qabano, laakiin arrintii waxay noqotay in beero loo sameeyo oo waxaa la doonayaa in xoolo nool oo carruurtu caanahooda dhamaan iyo digaag in mustaqbalka loo sameeyo in marka dambe jaamacadii meesha ka samaysanto aad ayaanu uhanweyn nahay hadan aanu iska tamar yaraanee.”ayuu hadalkiisii ku soo koobay Sheekh Yuusuf Aadan.

 

Sidoo kalena waxaa madashasii ka hadlay Guddoomiyaha golaha wakiilada ahna guddoomiyaha Xisbiga Wadani Cabdiraxmaan Maxamed Cabdillaahi (Cirro) ayaa dardaaran kala duwan u soo jeediyey ardayda dugsiga boodhinka ah ee Xaaxi Gabagabadii waxaa madashaasi ka hadlay wasiirka wasaarada Deegaanka Marwo Shugri Xaaji Bandare iyo sidoo kale Xasan X.Qorane iyo Masuuliyiinta jimciyada Sunbul ayaa dhammaantood iyaguna ku dheeraaday muhiimada waxbarashadu u leedahay Aadamaha.Waxaan halkaasi shahaadooyin  Abaalmarino kala duwan halkaasi lagu gudoonsiyey ardaydii ka qalinjebisay dugsigan boodhinka ah ee Xaaxi.