Home Articles Astaamaha Lagu Garto Hogaamiyaha Keli Taliyaha Ah : Qormadii 1aad :-

Astaamaha Lagu Garto Hogaamiyaha Keli Taliyaha Ah : Qormadii 1aad :-

Astaamaha  lagu garto Hogaamiyaha  keli taliyaha ah :

 

Qormadii 1aad :-

Ucid

 

 

Astaamaha lagu garto ama lagu yaqaan hogaamiyaha keli taliyaha ah,waa qormooyin taxane ah oo aan u soo gudbin doono Saxaafada xorta ah iyo dhamaan inta akhrisata.Haddii aad aragto hogaamiye leh mid ka mid ah astaamaha faraha badan ee aan halkan idiinku soo gudbin doono   oo runtii aad u badan  ,waa xaqiiqa in hogaamiyahaasi uu yahay    keli taliye, dhamaantoodna waa   astaamo caalamku isku  raacsan yahay :-

 

 

 

Maxaa looga jeedaa hogaamiye keli taliye ah :-

 

·         Hogaamiyaha keli taliyaha ah  waxaa loola jeedaa hogaamiye aan  xukunka   ku helin  hab Demuqraati ah.

 

·         Marmarna waxaa lagu qeexaa hogaamiye si qaldan u isticmaala awooda  xukun,kaas oo aan tixgelin  Golayaasha Sharci ee kale iyo guud ahaanba Shuruucda wadanka  u taala.

 

·         Marmarna waxaa lagu qeexaa shaqsi ,xukun jecel,oo haddii aanu  wax  xukumin  aan joogi karin,noloshu ku adagtay.

 

·         Qubarada cilmi nafsiga barataana waxay  ku qeexaan shaqsi yaraantii loogu geystay,dhibaato shaqsi,qoys amase qabiil, dhibaatooyinkaas  oo raad weyn Maskaxdiisa ku reeba,waa shaqsi doonaya in uu ka aar guto  dhib iyo ciil ay bulshadu u geysatay.

 

·         Waa shaqsi ay gacanta ugu jiraa  dhamaan awoodaha Dowladnimo,waxaa lagu yaqaan Dowlad hal qof uu xukumo,inta badan  awooda Dowladnimo waxa ay gacanta u gashaa koox yar ,oo inta badan ka soo jeeda qoyska Madaxweynaha amase hoogamiyaha wadanka xukuma.

 

Haddii  hogaamiye ku sifoobo  qaar ka mid ah qeexitaanadaa aan kor ku soo sheegay,waxaa   dunnidu isku raacsan tahay  in uu yahay Hogaamiye  keli taliye ah .

 

Mahadsanid

 

Abdi Saleiman(Mingiste)

 

abdi_daleiman@hotmail.com

 

facebook : abdi saleiman

 

twitter @_saleiman

 

skype abdisaleiman1

 

linkedin.  abdi s saleiman(fadlan haddii aad  taqaano,qaar ka mid ah ,calaamadaha lagu  garto Hogaamiyaha Keli taliyaha ah,iigu soo dir n emailka,adigoo mahadsan)

 

——la soco qormada 2aad iyo sida uu ku yimaado   Hogaamiye  keli taliye ah—-