banaanbixii ka dhacay maanta dalka Masar oo ay ku dhinteen ku dhawaad 44-qof

Wararka ka imaanaya dalka Masar ayaa sheegaya in maanta markale uu bilaawday banaanbixii ka dhanka ahaa Milatariga xooga ku qabsaday dalkaas.

Wararka ayaa sheegaya in Wasaarada Caafimaadka dalka Masar  ay sheegaytay  in maanta ku dhinteen banaanbaxayshii ka dhacay dalka Masar  ku dhawaad 40- qof iyo dhaawac intaas ka badan.
Dalka Masar ayaa maanta waxaa ka dhacay bannabaxayaal waaweyn oo looga soo horjeeda milatariga dalka Masar iyadoona sida ay sheegeen idaacdaha qaar dadka isku soo abxay ee ka soo horjeedo Miltariga Masar lagu qiyaasay Malaayiin qof

Dadka dhintay ayaa ku kala dhintay magaalooyin badan haba u badnadeen magaalada Qaahira oo siweyn leysugu fara saaray deeganada ku teedsan meydaani Taxriir halka oo doonaayey in ay galaan Bannabaxaysha sida weyn uga soo horjeedo DKMG ee dalka Masar ee mitariga dalkaas gadaasha ka joogo

Kooxaha soo celinta sharciga oo maanta dhigaayey bannanbaxaysha waaweyn ee looga soo horjeeda xukumada KMG ayaa sheegay in maanta ku dhinteen in ka badan 50 qof iyagoona dhaawaca ku sheegay in ka badan intaas

Xaalada ayaa xiligaan iska dagan waxaa jira bannbaxyo aan wadan rabshado kuwaa oo dhiigayaan kooxaha diidan dowlada Miltariga 

Maanta ayaa ku beegneed maalintay ka adkadeen ciidamada masar ciidanka Israaiil soona ceshteen dhul badan oo laga qabsaday taana waxay keentay in maanta ay dhacaan mudahraadyo iska soo horjeedo ay dhigayaan taageerayaasha dowlada Mitariga ka danbeeyey iyo taageerayashii madaxweynahii xilka laga tuuray Maxamed Mursi.

Salaanmedia/Hargaysa