Booliska Uganada oo Soo Saaray Digniin Ku Aadan Weeraro Oo Al-Shabaab Ka Fuliso Kampala

(SM:Muqdisho)  Ciidamada booliiska dalka Uganda ayaa sheegay inay heleen calaamado muujinaya in Al-shabaab ay doonayso inay weerarro argagaxiso ka geysato dalkooda, ka dib markii maalmo ka hor ay safaaradda Mareykanka ee Uganda ka digtay weerarro argagaxiso oo ka dhaca dlaka Uganda.

“Dingiinaha deg-degga ah ee ku saabsan weerarro argagaxiso oo dhaca si aad ah ayay sare ugu kaceen,” ayuu yidhi ku xigeenka taliyaha booliiska dalka Uganda, Patrick Onyango

Waa markii ugu horreysay oo ay booliiska Uganda soo saaraan digniin cas oo ku saabsan weeraro ay Al-shabaab ka geysato dalkooda, kadib markii ay ka geysatay kooxdan dalka Uganda sannadkii 2010 weeraro ay ku dhinteen 79-qof.

 

“Gabi ahaan saraakiisha booliiska Uganda ee ka maqan Kampala waa loo yeedhay, iyadoo laga dalbaday inay joojiyaan howl walba oo ay hayaan ayna ku soo laabtaan caasimadda,” ayuu Onyongo hadalkiisa ku daray.

 

Safaaradda Mareykanka ee Kampala ayaa ku baahisay shabakada ay gaarka u leedahay in Al-shabaab ay qorsheynayso inay weerar u qorsheysan sidii kii ka dhacay Westgate Mall ay la damacsan yihiin Kampala.

 

Xarakada Al-shabaab ayaa sheegatay mas’uuliyadda weerarkii Westgate Mall ka dhacay bishii hore, kaas oo ay naftooda ku waayeen 67-qof oo halkaas ku sugnaa, waxayna kooxdan sheegtay in weerarku uu yahay mid aargudasho ah.

Salaanmedia/Mogdisho