Calaamadaha Lagu Garto Habka Hogaaminta Wanaagsan Ee Siyaasiga Dhabta Ah. Faallo: Khadar Cali Khum [Shiine].

Calaamadaha Lagu Garto Habka Hogaaminta Wanaagsan Ee Siyaasiga Dhabta Ah.
Faallo: Khadar Cali Khum [Shiine].

0
Hargeisa [SM]-Walaal waxaan idiinku soo gudbinayaa horaal aan si leh
ugu falanqeynayo astaamaha iyo habka dhaqanka wanaagsan ee hogaamiyaha
dhabtaa u ah saldhig habka hoogaamintiisa. “Asbaabaha ama calaamadaha
lagu garto hogaamiyaha siyaasiga dhabta, ayaa ah kuwo si gaara u soo
jiita indhaha shacabka uu hormoodka u yahay, kuwaasoo uu kaga duwan
yahay ama uu kaga gaar noqdo siyaasiyiinta kale ee kula jira fiilka
siyaasadda,waana qoddobo ay inta badan hoos yimaadda ama ku taxaluuqa
kuna soo aroora, akhlaaqad wanaag, dhageysiga ama garowshii-yahay uu
garwaaqsado wixii dhaliila ee uu leeyahay, isla markaana ay u soo
jeediyaan dadweynaha uu ku matello doorka siyaasiga.
Haddba, waxaan halkan idiinku soo gudbinayaa habka hogaaminta
siyaasiga dhabta ah. Iyadoo qoddobaysan una kala qaadi doono qaybo,
mid waliba sifaha dhabta ee ay ku aroortaa tahay hab-dhaqanka
wanaagsan ee siyaasadda.
Siyaasiga ku sifooba hab-dhaqan wanaagsan iyo akhlaaqiyaadka suuban ee
salka ku haysa dabeecaddiisa uu Eebe ku manaystay qofka bina,aadanka,
waxaa-na hubaal biyo-kama dhibcaan ah inuu yeelanayo qoddobaddan hoos
ku xusan.
1-      Inuu noqdo mid qun-yar socodda, dhugna u yeesho kol-ba heerka ay
marayso sumcaddiisa iyo meeqaamkiisa siyaasiga ah, shareftiisa iyo
karaamadiisa eeuu bulshadiisa ku dhax-leeyahay.
2-      Inuu noqdo mid ka dan-qadda, lana qaybsada, kana murugooda, wixii
dhibaato ah ee la soo darsa, ama soo foodsaarta bulshadda uu Alle
masuuliyadeedda uu dusha ka saaray.
3-      Inuu noqdo mid dhageysta, kana xanaaqin, wixii dhaliila ama
goddoloolyina ee uu leeyahay, isla markaana ay u soo jeediyaan ama ku
dhaliilaan qaybaha duwan dadweynuhu.
4-      Inuu noqdo mid ku sifooba dhoolla cadayn ay bulshadiisu ka dheehan
karto farxad ka muuqata wejigiisa.
5-      Inuu noqdo mid shacabkiisa ugu adeega caddaallad, sinnaan, isagoon
soo kala dhuwaysan qaybaha kala duwan ee dadweynihii a uu madex-da u
yahay.
6-      Inuu noqdo mid uga tudha dalkiisa iyo shacabkiisa, wax kasta oo
kala fogeyn kara, isla markaana dalka u horseedi kara burbur hor-leh,
kagana dayda habka wanaagsanayd ee ay madex-da Islaamku u soo
maamushay ummadda muslimka ah.

Khaddar Ali Khum [Shiine].
E-mail: khadarshiine012@gmail.com.
Hargeisa/Somaliland.