Ciidamada Ammaanka Boosaaso Oo Gacanta ku Dhigay Haweeneey Ninkeeda Jar Jartey Gurigii Uu Deganaa Xubnaha Meydkiisa Laga Soo Saaray (Sawiro)

Oct 18, 2013 Boosaaso (SM)– Ciidamada ammaanka ee magaalada Bosaaso ayaa xiray haweeney ku eedaysan inay dil u gaysatay ninkeeda kadib markii ay is khilaafeen.

Dilkan oo ka dhacay magaalada Bosaaso muddo shan bilood hada laga joogo ayaa waxaa ay ciidamada ammaanku la xireen haweenayda eedaysanaha ah laba ruux oo rag ah oo dilka fulintiisa kala qeybgalay.

Dilka oo loo geystay marxuum Maxamed Bashiir ayaa loo adeegsaday middi , waxana xubnaha jirkiisa oo lagu guray jawaan laga helay qolkii ay daganaayeen oo xubnaha jirka marxuumka dhintay ay yaaleen mudo shan bilood ah

Taliyaha saldhiga booliska Baalade Siciid Cali Ibraahim oo saxaafadda la hadlay ayaa sheegay in haweneydan dilka ku’ eedaysan ay qolkii ay deganeyd ay ku qarisay maydka ninkeeda , iyadoona guursatay mid ka mid ah ragii dilka fulintiisa qeybta ka ahaa.

”Ninkaa dee lajar jaray gurigii uu daganaa intii la goo gooyay hadana lagu aasay oo xaaskiisi xog ogaal utahay kiiskaasi hadeer saddex eedaysane ayaanu uhaynaa qaybtood qiraal tahay qaybta kala aanu hada daba joogno”Ayuu yiri Taliyaha Saldhiga Baalade Siciid Cali Ibraahim .

Mid ka mid ah ragga dilka ka qeyb galay ayaa isagna sheegay inuu isagu dilka ka qeyb qaatay ,waxaana uu sheegay haweyneyda ay u sheegtay inay is guursanayaan kadib marka ay fuliyaan dilka seygeeda.

Qoysaskan ayaa ka soo jeeda Qomiyadda Oromada ee dalka Itoobiya.