Ciidanka Difaaca ee Kenya oo soo bandhigay magacyada 3 nin oo hormuud u ahaa weerarkii Westgate

Daawo Muqaal..Cabdul Xaaji oo ah Inan Somali ah oo kulmay qoyskii iyo gabadhii yareyd ee uu ka soo badbaadiyey masiibadii  Westgate

Taliska Ciidamada Difaaca ee Wadanka Kenya, ayaa waxay soo bandhigeen magacyada seddex nin, oo ay sheegeen inay hormuud u ahaayeen weerarkii lagu wiiqay Rugtii ganacsiga ee Westgate.

Magacyada seddexdaan nin, ayaa waxay ku kala sheegeen Abuu Barre Al-Suudaani, Cumar Al-Nabhaan iyo Al-daab Al-kayni. Waxayna seddexduba sheegeen inay ka wada yimaadeen Magaalada Muqdisho.

Laakiin Cumar Al-Nabhaan, ayay ku sheegeen in uu ku soo barbaaray, oo uu wax ku bartay Magaalo Xeebeedka Mombasa.

Sidoo kale si rasmi ah uma aynaan kala cadeyn Wadamada ay raggaan u kala dhasheen, sidoo kalana ma soo bandhigin basabooradii, ay ku soo galeen dalka Kenya, weerarka Westgate kahor.

Dowladda Kenya, ayaa waxay weli si rasmi ah ay u cadeyn kari la’yahay xubnaha weerarka ka geystay Suuqa Westgate tiradooda iyo halka laga soo maleygay.

Kenya, ayaa sidoo kale ku fashilmatay inay ku soo bandhigto nolol iyo geeriba, raggii fuliyay hawlgalka lagu burburiyay Dhismaha Bartamaha Magaalada Nairobi ku yaala ee Westgate.

Caalamka, ayaa shaki gelinaaya in weerarkaan ay ka dambeysay Maskaxda Ururka Al Shabaab. Iyadoo weerarkaan lala xiriirinaayo Ururweynaha Al-qaacida.

Salaanmedia/Nairobi