Ciidanka Laanta Socdaalka Somaliland Oo Kashifay Ilmo Yar Oo La Soo Xaday Oo Loo waridaayey Muqdisho

October 19th, 2013 

“Waxaanu falkan u Qabanay Lix Qof oo Saddexna ay Muqdisho u dhoofinayeen, Saddexna ay Madaarka la keeneen”Taliyaha laanta socdaalka

HARGEYSA (SM)- Ciidanka Laanta Socdaalka ee Madaarka Caasimadda Hargeysa ayaa ku guulaystay 16-kii Bishan inay badbaadiyaan wiil yar oo lix bilood jir ah oo laga soo xaday dalalka Khaliijka oo loo sii dhoofinayay magaaladda Muqdisho ee dalka Soomaaliya.

Ciidanka laanta socdaalka ee Madaarku waxay shaaca ka qaadeen inay falkaasi u qabteen lix qof oo iskugu jira saddex diyaarada la raacayay iyo saddex kale oo madaarka la keenay oo iyagana gacanta lagu dhigay, sida uu Tifaftiraha Guud ee Wargeyska DAWAN Cumar Maxamed Faarax xalay u sheegay Taliyaha Laanta socdaalka ee Madaarka Hargeysa Gaashaanle Cabdi Saleebaan Aadan oo isagu fashiliyay qorshihii ilmahaasi loogu sii dhoofinayay Magaaladda Muqdisho ee dalka Soomaaliya.

Taliyuhu isagoo ka warbixinayay siday dhacdadaasi u kashifeen waxa uu yidhi “Dhacdadani waxay ahayd 16-kii bishan maalintii labaad ee munaasibaddii ciidul adxaha, waxa madaarka Hargeysa ee Cigaal International Airport ka haadaysay diyaarad u sii jeeda Magaaladda Muqdisho ee dalka aynu dariska nahay ee Soomaaliya. Markii aanu dadka rakaabka ah eegaynay dukumantigoodii ayaan anigu gabadh buuran oo xijaab iyo niqaam xidhan oo wiil yar oo aanu ku qiyaasnay illaa lix bilood sita aan weydiiyay inay keento dukumantigii iyo sharcigii ilmaha yar ee ay sidato, ka dibna waxay tidhi anigu ma aan dhalin ee nin gudaha galay oo dadka xarooday ee diyaarada fuulay ayaa ii dhiibtay, ka dibna sidii ayaan anigu gacantayda kaga qaaday ilmihii yaraa. Waxaanan ku idhi ma garanaysaa ninka waxay tidhi wajigiisa ayaan imika aqoonsan karaa, laakiin ma garanayo cid uu yahay iyo inuu ilmaha dhalay iyo inkale.”
“Ka dibna waan kaxeeyay oo ninkii ay sheegaysay ayaan raadinay, markii ay muddo indhaha taagaysay ayaa nin na maqlayay oo garabkayga taagnaa ayay tidhi kan ayuu ahaa, ninkiina wuu dafiray oo wuxuu yidhi anigu ilmahan maan dhalin, gabadhana ma garanayo, ilmo aan sitayna muu jirin. Markay arrintu halkaasi maraysay ayaa islaan ninka la socotay ayaa tidhi ilmaha yar waan garanayaa oo inantaydii ayaa dhashay. Sadexdiiba waanu soo kaxaynay oo xafiiskaygii ayaanu ku keenay oo su’aalo ku waydiinay,” ayuu yidhi Taliyaha Laanta socdaalka ee Madaarka Hargeysa Gaashaanle Cabdi Saleebaan Aadan.

Taliyuhu waxa kale oo uu intaas ku daray in sadex qof oo kalena oo qorshaha ilmahan lagu sii dhoofinayay qeyb ka ahaana ay ku qabteen duleedka Madaarka iyagoo baabuur ku dhex jira, waxaanu yidhi “Waxaanu si deg deg ah u daawanay kamaradihii nabad-gelyadda loogu tallo galay ee madaarka waxaanan arragnay in mar walba gabadhan aanu ilmaha ku qabanay ay sidatay ilmaha yar iyadoo ay la socdaan ninkan iyo islaantani. Sadexdan qof ee iyagana aanu qabanay oo mid ka mid ahi isku dayay inuu baxsado oo aanu qabanayna waxay ku dhex jireen baabuurkii lagu soo qaaday ilmaha oo way la shaqaynayeen.”

Gaashaanle Cabdi Saleebaan waxa uu tilmaamay in lixdaas qof loo xidhay dhacdadan, isla markaana ay socoto baadhis qoto dheer oo lagaga gun-gaadhayo kiiskan, waxaanu tilmaamay in ay u badan tahay in ilmahan yar laga soo xaday dibadaha gaar ahaan Sucuudiga iyo dalalka kale ee khaliijka. Taliyaha laanta socdaalka madaarka oo aanu weydiinay inay jiraan cid la soo xidhiidhay oo sheegatay wiilkan yar waxa uu sheegay inaanay jirin cid illaa imika la soo xidhiidhay, waxaanu xusay in ilmahan yar ay hayso gabadh ka mid ah shaqaalaha madaarka oo damaanad qaaday xanaanayntiisa.

Gaashaanle Cabdi Saleebaan oo ka jawaabayay su’aal ahayd in lixdan qof ay ahaayeen u dhasahay Somaliland iyo in kale waxa uu sheegay in marka hal qof laga reebo intooda kale ay u dhasheen dalka Soomaaliya isla markaana sadexdan qof ee Muqdisho ilmaha yar u sii dhoofinayay ay dalka soo galeen sadex maalmood ka hor intii aan gacanta lagu dhigin.

Geesta kalena Taliyaha Guud ee laanta Socdaalka Somaliland Gaashaanle sare Maxamed Cali Yuusuf, ayaa ammaan balaadhan u jeediyay ciidanka laanta socdaalka ee Madaarka Hargeysa gaar ahaan taliyahooda, waxaanu tilmaamay inay muujiyeen xilkasnimo iyo dedaal ay ku badbaadiyeen nolasha qof bini’aadam ah.Taliyuhu waxa uu intaas raaciyay in sharciga la horkeeni doono lixda qof ee loo qabtay kiiskan.Laanta Socdaalka Somaliland ayaa ku ammaanan dhacdadan foosha xun ee ay kashifeen, taasi oo muujinaysa heerka feejignaanta noocyada kala duwan ee ciidammadda qalabka sida ee Somaliland.

Salaanmedia/Hargeysa