Madaxweynaha Puntland C/raxmaan Faroole oo mar kale si kulul uga hadlay Hawadda Somalia iyo Shirkadaha Shidaalka (War bixin muhiim ah)

faroole

Madaxwaynaha Maamulka Puntland C/rmaan Maxamed Maxamuud Faroole oo shalay dib ugu soo laabtay magaalada Garoowe ayaa ka dhawaajiyay in Dowladda Federaalka Soomaaliya ay faragelin xooggan iyo hagar daamo ku hayso Puntland, iyo arrimaha Federaalka.

Wuxuu Madaxweynaha Puntland sidoo kale uu ka hadlay wareejinta Hawada Soomaaliya lagu wareejinaayo Dowladda federaalka, iyo heshiisyada shirkaddaha shidaalka ay la galeyso shirkaddaha caalamka gaar ahaan Som Oil and Gas, heshiiskaasi oo uu ku tilmaamay xaaraan qadcin ah.

“Shirkadda ICAO waxaan ugu baaqeynaa ineyan wareejin hantidaas ay Soomaalidu leedahay ilaa shuruucdii dib u heshisiinta Soomaaliya ay dhammaato iyo Federaalismka,maxaa yeelay waa wax lawada leeyahay ”Ayuu yiri Faroole oo ugu digay ICAO ineysan wareejin hantida qaran.

Wuxuu kaloo sheegay in Hay”adaha gacanta ku haya Hantida Soomaaliyeed ee dibada taala oo ay kamid tahay Hawada ilaa la dhameystiro Shuruucdii dib u heshisiinta Soomaaliya aan lagu wareejin karin dowlada Fadaralka Soomaliya.

Wuxuu kaloo baaq u diray shirkaddaha shidaalka ee heshiiska la saxiixday Dowladda Federaalka isagoo ka codsaday in wixii Puntland ku saabsan iyo deegaanadooda ay kala soo xidiidhaan maamulkiisa.

C/raxmaan Faroole wuxuu kaloo qiray in dhacdadii shirkii Brussels ee khudbadii uu ka jeediyay xanibaadii la saaray in uu ka danbeeyay Madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud, taasoo uu ku tilmaamay wax lala yaabay in beesha caalamka la tuso cadaawada Soomaalida dhexdooda.

” Shirkii New Deal kama maqneyn carqaladeyn uu Madaxweynaha DF ka timid, ma aqaan sida ay ugu suuragashay in khudbadii aan jeedinayay laga gooyay, in laga daawado caalamka, dhibaatadaasina ay ka danbeeyeen wafdiga Dowladda Federaalka gaar ahaan Madaxweynaha”ayuu yiri Faroole.

Hadalka Madaxweynaha Puntland ayaa kusoo beegmaya xili Dowladda Federaalka heshiisyo caalami ah oo ku saabsan shidaalka iyo shirar lagu hormarinayo qodista shidaalka ay kaga qeybgaleen Londan.

Salaanmedia/Mogdisho