DAAWO: Gabdho Soomaali ah oo kala jooga Sadex dal oo lagu kulansiiyay Google Sababta maxay tahay?

Muuqaalkaani wuxuu muujinayaa is-fahan la’aanta iyo jahawareerka Luuqadaha kala duwan ee Caruurta Soomaalida marka ay isu yimaadaan ama barnaamij sidan oo kale ah ugu wada kulmaan.

Hay’adda caruurta u qaabilsan Qaramada Midoobay ee Unicef ayaa iyadoo ka duuleyso maalinta caruurta gabdhaha oo caalamka dhan laga xuso 11 Oct. sanad walba ayaa waxay Google+ isugu keentay Caruur da’dooda u dhaxeyso 10 ilaa 11 oo kala joogta Somalia, Norway iyo UK, kuwaasi oo mid walba uu luuqad gooni ah uu ku hadlayay.

 

Barnaamijkan oo ay kaga hadlayeen Caruurta mustaqbalka waxa ay jecel yihiin in ay noqdaan iyo waxa ay xiiseynayaan iney bartaan.
Caruurtii ka qeybgaleysay ee UK iyo Norway ku sugnaa ayaa waxay si wanaagsan u af fahmi waayeen kuwii Soomaaliya joogay, halka kuwii Soomaaliyana ay fahmi waayeen kuwa qurbaha joogay.

Muuqaalkaan oo ay aheyd in ay ugu doodaan waxbarashada Gabdhaha yaryar ee Soomaaliya ayaa kusoo dhamaaday is af garanwaa dhinaca luuqada ah, waxayna ku kala tageen Bye Bye. Waxa muhiima in  waalidiintu ay caruurtooda marka ay guriga joogaan iyo marka ay dabada u kaxaystaanba ay Afkooda Somaliga ah kula hadlaan,kuna dedaalaan in ay si joogto ah casharo AfSomali ah u dhigaan si ay marka ya weynadaan u isticmaali karaan.

Halkan ka daawo Video oo dhan