Daawo Muqaal..Cabdul Xaaji oo ah Inan Somali ah oo kulmay qoyskii iyo gabadhii yareyd ee uu ka soo badbaadiyey masiibadii Westgate

Warbaahinta Caalamka ayaa maalmihii la soo dhaafay waxaa qabsaday sawir cajiib ahaa oo muujinaayey sida uu Cabdul Xaaji ugu gacan haadinaayey gabadh yar oo 4 sano jir ah oo lagu magacaabo Portia Walton oo nafteeda kala carareysay weerarkii ay ku qaadeen xarunta ganacsiga ee Westgate maleeshiyaadka kooxda Alshabaab, hadaba waalidiintii dhalay gabadhaas oo ayagana waqtigaas ku sugnaa goobtaas oo ayagana laga soo badbaadiyey weerarkaas ayaa waxaa markii ugu horeysay ay la kulmeen Cabdul Xaaji iyagoona uga mahadceliyey sida uu ugu hurey naftiisa, Qoyskaan oo u dhashay dalkaas Mareykanka kana koobnaa hooyo iyo aabe iyo 6 caruur ah oo ay dhaleen ayaa dhamaantood ku sugnaa goobtaas iyadoona markii uu gabadhaas badbaadiyey uu sidoo kale hadan uu ka soo badbaadiyey goobtaas hooyadii dhashay gabadhaas yar oo lagu magacaabo Katherine Walton iyo 2 caruur ah oo la socday oo ay da’adoodu kala ahayda 13 bilood jir iyo 2 sano jir

Ugu dambeyntiina iyadoo ninkaas lagu magacaabo Cabdul Xaaji uu ka mid yahay rag loo qoonsaday inay ahaayeen geesiyiin naftooda u hurey inay soo badbaadiyaan nolosha qaar badan oo ka mid ahaa dadkii ku jirey xuranta ganacsiga ee Westgate ayaa hooyada qoyskaas uu soo badbaadiyey waxay sheegtay inay si aad iyo aad ah ay ugu mahadcelinayso nolosheeda ninkaas soo badbaadiyey ee Cabdul Xaaji iyadoona sheegtay inay la’aantiis ay ku wareeri lahaayeen meel ay afka saaraan, Sidoo kale ayaa Cabdul Xaaji oo ka ahadlay arintaas waxaa uu sheegay in gabadhaas yar ee uu soo badbaadiyey uu la yaabay caqligeeda iyo sida ay u dhageysatey waxay u sheegayeen, Cabdul Xaaji oo ah wiil uu dhalay wasiiirkii hore difaaca Yuusuf Xaaji ee dalkaas Kneya ayaa goobtaas tegay markii uu maqlay inuu dhacay weerar lagu qaaday xaruntaas.

Daawo Muuqaal Ahaan Qosyka iyo GGesigii xarunta Westgate