Daawo Sawirada Al-Shabaab oo soo bandhigtay Qalab Milatari ay ka qabsadeen Kumaandooska Mareykanka

Xarakada Al-Shabaab ayaa Magaalada Baraawe ee Goblka Sh/Hoose waxa ay kusoo bandhigeen qalab iyo saanad milatari ay ka qabsadeen ciidamo katirsan Kumaandooska Mareykanka oo shalay weerar kusoo qaaday guri kuyaala Baraawe.

Al-Shabaab waxa ay sheegeen in qalabkan ay ka carareen Ciidamadii shalay subax weerarka ka geestay Magaalada Baraawe , waxa ayna xuseen Shabaab in ay fashiliyeen weerarkii ka dhacay Magaalada Baraawe.

Inta la xaqiijiyay weerarkan oo dhacay shalay aroor hore waxaa ku dhintay Dagaalyahan katirsan Al-Shabaab oo ilaalo ka ahaa guriga la weeraray , waxaana masuuliyada weerarkan sheegatay Dowlada Mareykanka.
Salaanmedia/Mogdisho