Daawo Sawirada Haweeney isku qarxisay Bus dad badan saarnaayeen gudaha Dalka Ruushka

Inta la xaqiijiyay 6-qof ayaa ku dhimatay tiro Sodon kabadana wey ku dhaawacmeen Qarax ismiidaamin ah ay fulisay Haweeney waxyaabaha qarxa isku soo xirtay oo isku qarxisay Bus marayay Bartamaha Magaalada Volgograd ee Bartamaha Dalka Ruushka.

Haweeneyda Weerarka Ismiidaaminta ah fulisay ayaa lagu Magacaabaa Naida Asiyalova oo 30-Sano jir ah waxaana la tilamay in ay ka timid halka lagu magacaabo Dagestann oo katirsan Dalweynaha Ruushka .

Warbaahinta Ruushka qaarkood ayaa tilmaamay in haweeneydan ay tahay qof Muslim ah oo heesata diinta Islaamka , waxaana wali socda Baaritaano ay wadaan Sirdoonka Dalka Ruushka oo ku aadan Qaraxan Ismiidaaminta ah ay fulisay Haweeneydan Ruushka u dhalatay.

Salaanmedia/Mogdisho