Daawo Sawirada Saaka Burco Iyo Salaada Ciida Oo Si weyn Looga Tukaday Guud Ahaan Magaalada Burco

(SM:Burco) Munaasibadan Ciida Oo Saaka Si Weyn Looga Tukaday Magaalada Burco ayaa waxaa kala soo qayb galay wasiiro Ka Tirsan Xukuumada Somaliland Oo Uu Kamid Yahay Wasiirka Wasaarada Cadaalada Somaliland Xuseen Axmed Caydiid Maamulka Gobolka Togdheer Iyo Kuwa Degmada Burco.

Wasiiraka Cadaalada Iyo Badhasaabka Gobolka Togdheer Iyo Sidoo Kale Duqa Degmada Burco ayaa Si weyn Uga Hadlay Muhiimada Ay Leedahay Maalintan Iyagoona Bulshada Reer Somaliland Ku Booriyay In ay Ka Qayb qataan Qadhaanka Waddada Ceerigaabo

Haddaba Warbixinta Oo Maqal iyo muqaal ahba waxaan idiinku soo gudbinaynaa Wararka Soo Socda Ee shebekada Caalamiga ah Ee Salaanmedia.com