Daawo Sawirada Xafladii Lagaga Hadlaayey Dib U Dhiska Waddooyinka Somaliland

(SM-Hargaysa) Munaasibad ballaadhan oo kulmisay kumanaan qof, laguna soo bandhigaayay dibudhiska wadooyinka Somaliland ayaa lagu qabtay Magaaladda Hargaysa.

Goobta Xafladu ka qabsoontay ayaa ahayd Hool weyn oo ku yaala Huteelka Maansoor, waxaana dadkii munaasibadaas ka soo xaadiray lagu qiyaasaayay in kabadan 5000, oo qof. Shankun oo qof,  markii hoolku buuxsamay waxay dadku tubnaayeen afafka hore ee hoolka iyo barxada huteelka. Masuuliyiinta ka soo qaybgashay madashaas lagaga hadlaayay dibushiska wadooyinka waxaa kamid ah Wasiiro ka tirsan Xukuumadda Somaliland, oo ay kamid yihiin Wasiirka Madaxtooyadda, Wasiirka arrimaha gudaha, Wasiirka qorshaynta, Wasiirka beeraha, Wasiirka Warfaafinta iyo Wacyigalinta. Sidoo kale waxaa iyana ku sugan Xildhibaano ka tirsan labada gole. Saladiin culuma-udiin, iyo dadweyne tirobadan oo ka koobnaa  bulshada qaybaheeda kala duwan.

Waxaa iyana munaasibaad riwaayado ka turjumaaya wax wada qabsiga bulshada ku soo bandhigay, Fanaaniinta Qaranka iyo Kooxda Walaalaha Togdheer, oo ay kamid ahayeen labada Abwaan Ee Sooraan iyo Jawaan. Geesta kale waxaa iyana heeso dadkii goobta joogay qiiro galiyay ka qaaday munaasibaad Fanaaniinta Nuur Jaamac Aadan (Nuur daalacay) iyo Fu’aad Cumar Cabdi (Walaalaha Sweden)