Daawo: Wasiirka Arimaha Gudaha Somaliland Oo Heshiisiiyay Laba Ardaa Oo Shaqaaqo Ku Dhex Martay Saraar

Oct 11,2013 Hargaysa(SM) Wasiirka Arrimaha Gudaha Somaliland Mudane Cali Maxamed Waran-cadde ayaa maanta waan-waan kala dhex dhigay laba ardaa oo walaalo ah oo wada degan deegaanka Qaraaro ee gobolka Saraar oo habeen hore ay dhex martay shaqaaqo ka dhalatay khasaare uu ku naf waayay hal qof mid kalena ku dhaawacmay.


Wasiirka Arrimaha gudaha oo ay weheliyeen Badhasaabadda goboladda Saraar iyo Togdheer, ayaa odayaasha labada beelood u qabtay kulan nabadda lagu guntayay isla markaana ku heshiisiiyay inay aqbalaan waan-waan iyo wada hadal in lagu furdaamiyo shaqaaqadii ka dhex martay.
waxa labada beelood laga dhaariyay odayaal waxgarad ah oo aqbalay inay wada hadal ku dhamaystaan murankooda la xidhiidha baraagaha isla markaana la aaso qofkii shaqaaqadaas ku geeriyooday